Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo ka hadlay Hawl-gallada ka socda Laascaanood

Hargeysa (SLpost)- Taliyeyaasha Ciidammada kala duwan ee Somaliland, ayaa si wada-jir ah uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood iyo hawl-gallada lagu tarxiilayo dadka ajaanibka ah oo ay sheegeen inuu yahay mid lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ay jecelyihiin shacabka reer Soomaaliya, isla markaana, umada reer Somaliland tahay umad lagu dhex noolaan karo, balse hawl-galkani yahay mid lagama maarmaan u noqday sugidda amniga Laascaanood.

“Waxaanu nahay umad uu dadku la noolaan karo, uu dhexgali karo, oo uu la ceeshi karo, inkastoonu kala tagnay laakiin anagu waanu jecelnahay shicibka reer Soomaaliya, dowlada uun baanu is haynaa. Arrintan waxa keenay halkan dilal  badan ayaa ka dhacay, rag badan oo hal door ah ayaa lagu laayey oo gaadhaya ilaa 86 qof ah oo rag iyo dumarba leh”,  ayuu yidhi Taani, waxaanu intaas raaciyey, “Anagoon cidna waxba yeelin oo dadka reer Baydhabo iyo dadka kale ee ajinabiga ahba xushamad iyo sharaf u hayna, waxaanu go’aan ku gaadhnay in ay si nabada ku baxaan. anaga oo aan cidna waxba yeelin”.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa xusay in dilalka qorshaysan ee sanadihii lasoo dhaafay lala beegsanayay haldoorka gobolka Sool ay shabahayeen dilalka ka dhaca Koonfurta Soomaaliya, sida darteedna, ay go’aan-sadeen in dadka aan reer Somaliland ahayni ay gobolka ka baxaan.

“Muddo tobaneeyo sanno ah magaalada Laascaanood waxa ka dhici jiray dilal qorshaysan, oo aan ka dhicin dalka intiisa kale, taas oo u egayd mashruucan ka socda Soomaaliya oo Somaliland ka nabad qabto, anaga oo amniga u xilsaaran waxa aanu go’aan sanay in aanu gobolka ka suulino kansarkaa dadkii haldoor ka ahaa laynaya,” ayuu yidhi Taliye Dabagale, waxaanu intaas raaciyey, “Hadii aanu amniga nahay waxaanu go’aansanay in wixii aan reer Somaliland ahayn, ay gobolka ka baxaan si aanu gunta u gaadhno, iyagoo nabad qabana ay dalalkoodii ku noqdaan”.

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland Maxammed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa sheegay in waajibkoodu uu yahay in ay sugaan amniga gobolka, isla markaana, dadku si nabad ah ku ganacsan karaan, kuna noolaan karaan.

“Waajib kayagu waxa weeyaan in nabad lagu noolaado oo dilalkan la ogaado halka ay salka ku hayaan, ayuu waajib kayagu yahay, dadku in ay nabad ku seexdaan, baabuurtu nabad ku socoto, xoolohooda nabad ku iibsadaan weeyaan, in lasoo afjaro oo waxan la daba galo ayaanu iskugu nimid” ayuu yidhi Xiirane.

Magaalada Laascaanood waxa wali ka socda howlgal ay hogaaminayso xukuumada Somaliland, oo gobolka Sool lagaga tarxiilayo dadka aan reer Somaliland ahayn, ilaa iyo hada inta la hubo waxaa la mastaafuriyay 700 oo qof oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Dadkan ayaa ganacsi kala duwan ku leh deegaamo kale oo ka tirsan Somaliland.

https://www.youtube.com/watch?v=E8BgYxCVyJc