Taliyaha Guud Ee Ciidanka Jabuuti Oo Gaadhay Hiiraan

Hiiraan(SLpost)-Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xassan Afrax  iyo taliyaha guud ee ciidammada dalka Jabuuti, Jen. Zakariye Sh. Ibraahim oo ay Weliyaan Saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga waxaa ku soo dhaweeyay degmada  mas’uuliyiinta maamulka iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshada ku nool degmada Jalalaqsi oo ka mid ah degmooyinkii horaantii sanadkii hore lagala wareegay Al-shabaab.

Guddoomiyaha Degmada, Maxamed Cabdulle Fiidoow oo la warbaahinta la hadkay ayaa Sheegay Muddadii ay joogeen degmada xubnaha wafdiga la kulmeen maamulka iyo waxgaradka oo ay ka wadahadleen baahiyaha ka jira degmada Jalalaqsi, iyaga oo siddoo kalana kormeeray saldhigyada ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Safarka Taliyaha Guud ee ciidamada Jabuuti uu ku tagay degmada Jalalaqsi ayaa imanaya xilli labo maalmood ka hor ay halkaa gaadheen ciidammo xoojin ah oo ka socda AMISOM kuwaa oo qeyb ka qaadanaya sugida ammniga degmada.

Booqashada Taliyaha Guud ee Ciidamada Jabuuti Jen Zakariye ma’aha kii ugu horeeyay ee uu ku tago Gobolka Hiiraan oo ay joogaan Ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa.

Ciidamada Jabuuti ayaa Marka laga soo Tago Howlgalka Nabad-ilaalinta ah oo ay joogaan Soomaaliya, sidoo kale waxay Qayb-weyn ka yihiin Arrimaha Hormarinta adeegyada Aas-aasiga ah ee Bulshada iyo dib-u-dhiska Goobaha Danta guud, iyagoo hadda Dib-u-dayactir kuwada Garoonka Diyaaradaha Buula-burte oo muddo dheer bur-bursanaa.