Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Gaadhay Boorame iyo Badhasaabka Cusub oo Xilkii la wareegay

Boorame (SLpost)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa maanta barqadii gaadhay Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad uu ku gaadhay Magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal, ayaa la sheegay in uu la xidhiidho baadhitaan saraakiil ka tirsan hoggaanka Boolisku maamihii u danbeeyay ka wadeen Magaalada Boorame, taas oo la xidhiidhay wiil dhalinyaro ah oo Booliska Boorame u taxaabeen Calan la sheegay in lagu qabtey Maalintii soo dhaweynta Ugaaska ee Todobaadkii hore.

Maxamed Saqadhi Dubad, Taliyaha Ciidanka Boolisku, waxa uu guud ahaanba ka gaabsadey in uu Warbaahinta xog ka siiyo ujeeddada socadaalkiisa inkasta oo uu kulan albaabadu u xidhnaayeen la qaatey saraakiisha Booliska Gobolka Awdal iyo hogaanka Booliska ee kaga soo horeeyay Magaalada Boorame.

Waxaana xanshashaqa dadweynaha reer Boorame ee ku wajahan safarka Taliye Saqadhi ay ku xidhiidhinayeen intooda badani sidii uu xog buuran uga heli lahaa dhacdada xadhiga wiilkaasi iyo waliba wareysiyadii ay ka qaadeen Boolisku iyadoo dhinaca kalena aad looga hadalhayo Boorame, in uu Taliye Saqadhi Dubad maagan yahay in uu isbadel ku sameeyo saraakiisha Qeybta Booliska ee Gobolka Awdal.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal Axmed Xadi ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Awdal oo si ku meel gaadh ah u siiyay hayay xilkaasi, waxaana munaasibadii xilwareejinta kasoo  qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland C/laahi Xuseen Cige(Balaaki), Maayarka Degmada Boorame,masuuliyiinta laamaha Dowlada Gobolka Awdal iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige(Balaaki), oo munaasibada xilwareejinta hadal ka jeediyay ayaa, faafahin ka bixiyay qaabkii lagu soo xulay Gudoomiyaha manta la wareegaya xilka Gobolka Awdal, oo ah Gudoomiyihii sadexaad ee inta ay jirtey Xukuumadani loo soo magacaabo Gobolka Awdal, isagoo kahadlaya waxa uu yidhi, “In uu Gudoomiyaha Gobolka noqdo, Axmed ,waxa ka fadhiistey Guddi ka kooban Wasiiro kuwaas oo Madexweynuhu u igamaday in soo falanqeeyaan Gudoomiyaha Gobolka Awdal, iyo Cida xilkaa qaadi kareysa ,waxaanay Gudidii isu raaceen isaga, runtiina ma,aha nin soo shaqo tagay oo xilkan wax ku doonaya, waa nin hanta haysta ee waxa keenay Maanta in uu Gobolka u shaqeeyo”Ayuu yidhi C/laahi Balaaki.

Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in in uu reer Awdal farayo fariinta ah in la qaato amarkii kazoo baxay dadka ajaanibka ah ee ay dhawaan Xukuumadu ka mustaafurinayso dalka.

Sidoo kalena, Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci, oo isaguna kahadlay munaasibadaasi ayaa, u balan qaadey dadweynaha reer Awdal in uu xilkan u qabtey sidii uu wax u qaban lahaa islamarkaana uu uga baahan yahay, in garabka la qabtaan isagoo, balanqaadey in uu maalamaha soo socda dhagax dhigayo dhisme cusub oo loogu talagalay Xarunta Maamulka Gobolka iyo Xarumo kale oo adeega dadweynaha ah,isagoo dhinaca kalena xusay in uu xooga saari doono wadashaqeynta dhinaca Maamulka oo aan awal hore fiicanayn ugu danbeyntiina waxa uu ku dardaarey in ay gacmaha is qabsadaan , oo ay nabedgelyada iyi hurumarka kawada shaqeeyaan.

Waxa kale oo iyaguna hallkaa kahadlay Maayarka Boorame C/raxmaan Shide Bile iyo Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Awdal ee xilka wareejiyay.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net