Taliyaha Booliska oo Digniin adag u jeediyey gaadiidka Jaadka Qaada ee Xawaaraha Sare ku Mara Waddooyinka

Taliye Fadal

Hargeysa (SLpost) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Md. Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan baabuurta Jaadka qaade ee ku soconaaya xawaaraha dheer  ku marayaan badhtamaha Suuqa magaalada Hargeysa.
Taliyaha Boolisku waxa uu intaasi ku daray inay Gaadiidkajaadka ee jidadka magaalada ku dhex mara 35km wax ka badan ay tallaabo adag ka qaadidoonaan isla markaana waxa uu sheegay inay mutaysan doonaan ciqaab iyo ganaac.
Taliyaha boolisku waxa uu xusay inay waajib tahay in la ixtiraamo laguna dhaqmo xeerka nabadgelyada waddooyinka.Wadayaashuna taxadir muujiyaan gaar ahaana maalmaha lagu jiro  diyaargarowga ciida oo suuqyada ay ku badan yihiin dadka ka iibsanaaya dharka iida oo waddooyinkuna ay aad mashquul u yihiin.
Taliye Fadal waxa uu digniin u soo jeediyay wadayaasha basaska kuwaasi oo uu uga digay inay dadka ku dajiyaan wadada dhexdeeda. Halka sidoo kalena gaadiidka waaweyn ee xamuulka uu uga digay inay gaadiidka saaraan rar ka badan tanka gaadhiga oo xad-dhaafa. Haddii ay saaraana ay la kulmi doonaan ciqaab iyo talaabo sharciga waafaqsan.
Taliyaha ciidanka boolisku waxa uu faray ciidamada kaantaroolada magaalooyinka laga soo galo, jooga inay kordhiyaan baadhista gaadiidka habeenkii iyo Maalintiiba. Waxaanu taliyuhu guud ahaan ciidamada booliska faray inay laban-laabaan howsha ay qaranka u hayaan maalmaha lagu jiro u diyaar-garowga ciida Fidriga ee inagu soo foolka leh.
Taliyaha boolisku waxa uu intaasi ku daray in ciddii waddooyinka gaadiidka dhigata ama si sharci-daro ah u dagta in iyana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsa.

Somalilandpost

Hargeysa, Somaliland