Suldaan Reer Hargeysa oo ka hadlay cidda Iska soo Sharixi karta Caasimada

[H]argeysa (SLpost)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka Hargeysa, ayaa ku baaqay in  ururrada iyo xisbiyadda qaranku aanay doorashadda goleyaasha deegaanka u soo sharaxin magaalada Hargeysa musharixiin aan u dhalan reeraha degan degmada Hargeysa, isaga oo tilmaamay in caasimada Hargeysi tahay degmo ay degaan ardaayo deegaan ku ahi.

“Waxaan Ururadda iyo axsaabta siyaasadda u soo jeedinayaa uguna baaqayaa inaanay doorashada Goleyaasha deegaanka aanay u soo sharixin magaaladda Hargeysa murashaxiin aan u dhalan degmadda Hargeysa. Waayo Magaalada Hargeysa waa degmo ay degaan ardaayo deegaan ku ahi,”ayuu yidhi Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo u waramay qaar ka mid ah saxaafadda.

Suldaanku isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi,  “Ururka ama xisbiga degmadda Hargeysa u soo sharraxa musharixiin aan ahayn reeraha deegaanka, waxaanu u cadaynaynaa inaanu wax cod iyo taageero ah ka heli doonin bulshada. Haddii la doonayo in Hargeysa noqoto caasimad, waa in la ansixiyaa xeerkii caasimadda oo muddo badan Golaha wakiilada horyaalay isla markaana la xadeeyaa bedka dhulka caasimadda oo aan xadaysnayn meelo badana muran ka jiro.”

 “Doorashada Golaha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo dhawaan waxa lagu dooranayaa xildhibaanadii ummadda reer Hargeysa u fulin lahaa adeegyadooda bulshadda, waxaan qabaa nin aan u dhalan reeraha degan Hargeysa haddii uu ku soo baxo doorashada inaanu daynayn inuu wax u qabto umadda sababtoo ah maba aha deegaan. Waxaan  mar kale ku baaqayaa in la ilaaliyo degmonimada Hargeysa oo aan cid aan ka soo jeedin ardaayada degan aan loo ogolaan inay is sharaxaan.”ayuu yidhi Suldaan Xuseen.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net