Sucuudiga iyo Ruushka oo Gaadhay Heshiis Hordhac ah

 

Riyadh (SLpost)- Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa gaadhay heshiis horudhac ah oo muddo bil ah lagu dheeraynayo dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarkooda saliidda Qaydhiin, si sare loogu qaado qiimaha saliidda caalamka.

Sacuudiga ayaa hoggaamiya ururka ay u midaysan yihiin qaar ka mid ah dalalka Shidaalka dhoofiya ee OPEC, halka Ruushku uu hoggaamiyo dalalka aan xubnaha ka ahayn ururkaas ee saliidda soo-saara, waxaana labada dhinac la isku yidhahdaa OPEC+.

Dalalka laysku yidhaahdo OPEC+ ayaa isku raacay inay wax soo-saarkooda saliidda ka dhimaan 9.7 milyan oo Foosto maalinkii ama 10% guud ahaan wax soo-saarka caalamka inta u dhaxaysa bilaha May iyo June, si qiimaha sare loogu qaado kaddib markii cudurka Coronavirus uu hoos u dhigay qiimaha.

“Sucuudiga iyo Ruushka waxay hadda isku raaceen in heshiiskaas lagu daro bil kale oo dheeri ah,” waxaa sidaas yidhi il-wareed ka tirsan OPEC oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Heshiiskan waxaa dhaqan-galkiisa shuruud u ah in dalalkii aan u hoggaansamin heshiiskii bisha May ay dhimaan wax soo-saarkooda bilaha soo socda,” ayuu lagu yidhi.

Dalalka Ciraaq iyo Nigeria oo xubno ka ah OPEC ayaa muujiyey inaanay sidii la rabay ugu hoggaansamin dhimista wax soo-saarka bisha May. Sidoo kale dalka Kazakhstan ayaan si buuxda uga soo bixin qodobada heshiiska, sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ruushka iyo Sacuudiga waxa horraantii sannadkan dhex maray dagaal dhinaca saliidda ah, waxaana suuqyada caalamka ay kusoo fasaxeen saliid badan iyaga oo isku xumeynaya, taasi oo marka laga yimaaddo xaaaladda xilligan ee adduunka, dhulka gelisay qiimaha saliidda.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net