Soomaaliya Iyo Sacuudiga Iyo Xidhiidhka Loo Jaray Iiran(Sirta Wikileaks) .

Dad badan oo arrimaha Soomaaliya iyo Sacuudiga xog-ogaal u ahi lama ay yaabin dhacdooyinkii ugu danbeeyey gaar ahaan dhaliishii ay Soomaaliya u dirtay dalka Sweden , ka dib markii dawlada Sweden ay Sacuudiga ku dhaleecaysay xaquuqda bani aadamka ee ay ku xadgudbaan , waxa kale oo aan lala yaabin xidhiidhkii ay Soomaaliya u jartay dalka Iiraan kolkii uu Sacuudigu xidhiidhka u jaray Iiraan , markii Iiraan Sacuudiga ku canbaaraysay dilkii lagu fuliyey wadaadkii Shiicada Sacuudiga u dhashay ee lagu magacaabi jiray Nimar Al-Nimar.

Shaki kuma jiro in xidhiidhka Sacuudiga iyo Soomaaliya ahaa mid taariikhiya oo kaba horeeyey aasaaskii boqortooyada Reer Al-sacuud sanadkii 1932kii, xidhiidhka Soomaalida iyo Jasiiradda Carabtu wuxuu ahaa mid qarniyo badan soo taxnaa , marka laga yimaado qiblada muslimiinta oo ku talaa Makka iyo goobaha kale ee Muqdaska ah sida Maddiina Al-munawara, gudashada xajkuna ay ahayd mid markasta sii xoojin jirtay xidhiidhka Soomaalida iyo Jasiirada Carabta, ayaa waxa uu noqday xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudigu xilliyaddii ugu danbeeyey mid Sacuudiga iyo dawladaha carbeed-ba Soomaaliya si guracan uga faa’iideystaan,gaar ahaana codka Soomaalidu ku leedahay goobaha bulshada Caalamku isagu yimaadaan, taas oo ay keentay baahida ma dhamaatada ah ee ay Soomaalidu muddada dheer ku jirtay.

Nin cilmi nafsiga ku xeel dheer oo u dhashay dalka Sacuudiga laguna magacaabo Daariq Al-xabiib ayaa barta uu ku lee yahay twitterka ku soo qoray xilliyadii Jasiiradda Carabtu saboolka ahayd sida ay Soomaalidu sakada ugu soo diri jirtay, wuxuu sheegay in Soomaalidu ay caawin jireen walaalahooda Carabta ee ku dhaqan Jasiiradda Carabta ee saboolka ahaa, isaga oo sheegay in aabihii uu akhriyey kitaab taariikhiya oo ay qoreen culimo Soomaali ahi 150 sanno ka hor oo lagu sheegayo in saboolka Jasiiradda carabta ku nool Soomaalidu siiso Zakada,hasa yeeshee 40 sanno ee ugu danbeeyey Soomaaliya waxay ahayd dal sabool ah oo wadamo ay Sacuudigu ka mid yihiin si aan qumanayn uga faa‘iideystaan, waxaase arrimahaas sii bayaamiyey dhawaan markii kooxda Wikileaks ay u dhaceen sirta wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga , waraaqo gaadhaya 500-kun ay ka jabsadeen kaydka Computerka ee wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga, waraaqahan sirta ah ee la faafiyey waxay tilmaamayaan dhacdooyin badan oo qofkii akhriyaa uusan la yaabayn talaabooyinka ay Xukuumadda Soomaaliya qaadaysay muddooyinkii ugu danbeeyey.

Talaabooyinkaas oo dad badan oo Soomaali ahi u qaadan karaan mid ku salaysan bulshada Sunniga ah ee Soomaaliyeed oo la badbaadinayo caqiiqadooda , hasa yeeshee marka laysku ladho tallaabadii ay Soomaaliya ka qaaday dalka Sweden oo 30kii sanno ee ugu danbeeyey bulsho badan oo Soomaaliya dalkooda ku soo dhaweeyey, iyo Xidhiidhka Soomaaliya u jartay Iiraan waxaa kuu soo baxaysa markaad akhridid waraaqaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudigu in arrintu ay tahay mid ku salaysan maafiyo siyaasadeed Sacuudigu ku hayo dalka Soomaaliya iyo go’aamada dawladda Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sacuudiga tirsigeeduna yahay 1/5/6 ,taariikh 20,02.1434h oo ku beegnayd 21.12.2012 , waxaa lagu cadaynayaa in ergaygii Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay uu ka gaabiyey in uu u codeeyo qorshe uu Sacuudigu watay kaas oo ahaa mid lagu canbaaraynayey dalka Suuriya , qoraalkan lagu sheegayo in Soomaaliya ka gaabisay in ay codayso ayaa isla isaga lagu tilmaamayaa in lacag 50 kun ah la siiyey ergayga Soomaaliya u fadhiya Newyork kaas oo isagu jira tigidh diyaaradeed Newyork/Muqdisho ah, darajada koowaadna ah, oo sii socod iyo soo socod ah, waxaana lagu sheegayaa in iyada oo sidaas loo sameeyey in uu ka gaabsaday in uu codkaas ku biiriyo cododka Sacuudiga, waxaana warqadda lagu qeexayaa in aan looga hadhin ee la weydiiyo.

 Isla warqadda tirsigeedu yahay 303/1/5/6/506 , taariikhda 21.02.1434 oo ku beegnayd 22.12.2012 oo ka soo baxday ergayga Sacuudiga u fadhiya Newyork ayaa lagu qeexay in la weydiiyey ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay sababta uu ugu codayn waayey mooshinka Sacuudigu watay , wuxuuna ku jawaabay ergaygii Soomaaliya in uu ka gaabsaday ka dib markii uu Muqdisho ka waayey wax jawaab ah, taasna ay ugu wacnayd in ay Muqdisho ka jirtay isku shaandhayn wasaaradeed oo raysal wasaarihii la badelay, waxaanu balan qaaday ergayga Soomaaliya in aanu mar danbe ka gaabsan doonin go’aamada Sacuudigo wato.

Waxaa kale oo waraaqahan ku cad in dhawr jeer madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud qaab hooseeya u codsaday Sacuudiga ugu deeqo diyaarad u qaadda Muqdisho gaar ahaan warqadda ka soo baxday Safaaradda Soomaalida Ee Riyad tirsigeeduna yahay Siin/saad/raa 34/12/13 Taariikh 02.03.1434 ku beegan 14.01.2013 , arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo qofka booqda Wikiliges uu arki karo waxay muujinayaan in dawladda Sacuudiga iyo dawladaha Carbeed badankoodu ay u adeegsadaan deeqaha ay bixiyaan qaab guracan oo budhcad siyaasadeed ah, waxaana dad badan oo Soomaali ahi aaminsan yihiin in dawladda Soomaaliya ay u taageertay Dawladda Sacuudiga in lawada ilaaliyo caqiiqadada dadka Muslimiinta Sunniga ah, hasa yeeshee waxaa hubaal ah in xilligan xaalka Soomaaliya uu marayo marxalado badan oo khatara-hooda leh, dhaliisha badankeeduna ay ku soo noqonayso bulshada Soomaaliyeed oo maanta kaalintoodi gabay, qiimaha ay adduunka ka leeyihiina aan wali dhaadin, xukuumadaha Soomaaliya ka jiraana ay aad ugu nugul yihiin cadaadiska dawladaha shisheeye, oo ay qarsoon yihiin dhacdooyin badan oo kuwan ka daran.

Waxaan iyana shaki ku jirin in uu jiro loolan xoogan oo dawlado badan ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya oo ay hormuud ka yihiin dawladaha Igad oo ay ugu tunweyn yihiin Itoobiya, Kiiniya, Uganda, Iyo Jabuuti, dawladaha fogna waxaa ugu hormuud-san Turkiga , Sacuudiga Iyo Iiraan, dhamaan dawladahaas marka laga reebo Jabuuti damacoodu maaha mid qarsoon isla markaana dawlad waliba waxay ku dadaalaysaa in ay raad ku yeelato go’aanada Soomaaliya kuwa hadda iyo mustaqbalka, sanadihii ugu danbeeyeyna waxaa xoog dalka Soomaaliya u soo galay dalalka Turkiga Iyo Iiraan, qoraaladan sirta ah ee laga helay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudigana waxay qeexayaan loolanka ugu culus in uu ka dhexsocdo xilligan sadex dal kuwaas oo kala ah Sacuudiga, Turkiga Iyo Iiraan, iyada oo Iiraan ay 5tii sanno ee ugu danbaysay Soomaaliya culayska saartay, iyada oo adeegsanaysa dhaqaale badan xarumana ka furatay magaalada Muqdisho sida Musasatu Al-Khumayni, dhaqaalaha badan ee Iiraan bixinaysana ay keentay in ay dhalinyaro badan guurka ugu fududayso, qoysaska qaarkoodna dhaqaale badan siiso, lana sheegay in 100kun qoysas lagu maal galiyo.

Wuu jiraa loolan dawladahan aynu kor ku xusnay ka dhaxeeya , hasa yeeshee go’aamadii ugu danbeeyey ee dawladda Soomaaliya qaadanaysay gaar ahaana dhinaca dawlada Sacuudiga waxay dhamaantood ahaayeen kuwo dhaqaale siyaasadeedku raadweyn ku lahaayeen, taasina waxay ka dhigtay dawladda Soomaaliya iyo dawladihii Sacuudiga garabka ku siiyey in Iiraan xidhiidhka loo jaro kuwo cadaadis lagu saaray in ay Sacuudiga garab ku siiyaan qorshuhuu watay, waxayna ahaayeen dhamaantood dawlado sabool ah, sida Suudaan, Comoros(Jusur Alqamar)Soomaaliya Iyo Jabuuti, iyo Kuweyt oo iyada xaalkeedu ka duwan yahay dalalka Gacanka oo xilligii Saddam qabsaday haddaanu Sacuudigu is garabtaagi lahayn aan dib loo xoreeyeen Kuweyt, waxaase kuu muuqanaysa in dawladaha Gacanka Carabtu iyo dalalka kale ee Carbeed aanay qaadan talaabo ay xidhiidhka ugu jarayaan Iiraan, Sacuudigana isku garab taagayaan.

 Waxaa Ku Lifaaqan Maqaalkan Waraaqo Ka Soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Sacuudiga , Xaafiiska Ergada Sacuudiga Ee Newyork, Iyo Safaaradda Soomaaliya Ee Riyaad Ku Taala Cadaynayana Cadaadiska Ay Dawladda Sacuudigu Ku Hayso Soomaaliya Iyo Codsiyadda Ka Imanaya Dhinaca Soomaalida.

Asad Adaani Ibrahim.