Soohdimaha ay Somaliland la wadaagto Waddamada Jabuuti iyo Itoobiya oo Dib loo furay

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta si rasmi ah dib loogu furay Soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo dalka Itoobiya oo dhowrkii todobaad ee u dambeeyey u xidhnayd tallaabo dawladda Itoobiya ku xoojinaysay nabad-gelyadada dalkeeda sababo la xidhiidha tuhunno dhinaca ammaanka ah.

Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta daboolka ka qaaday in dedaallo iyo xidhiidho ay wada-hadallo kula sameeyeen dawladaha Ethiopia iyo Djibouti ka dib ay ku guulaysteen in dib loo furo xuduudka ay Somaliland la wadaagto labadaas waddan.

HALKAN KA DAAWO