SOMALILAND: Xubno Muddo badan Dibad-meer ahaa oo Xukuumaddu soo-dhawayn ballaadhan ugu samaysay magaalada Hargeysa

Hargaysa (SLpost)-  Xukuumadda Somaliland ayaa maanta soo dhaweysay Xubno in badan dibad meer ahaa oo ku shaqaysan jiray magaca Awdal state, kuwaas oo uu horkacayo nin lagu magacaabo Rashiid Al Nuur kuwaas oo kusoo guryo noqday dalkooda hooyo ee Somaliland kadib markii ay wada hadalo la galeen  xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Waxaa madaarka Cigaal International Airport ee Hargaysa kusoo dhaweeyey  Badhasaabka gobolka Awdal Xubno ka tirsan  golaha wasiirada Somaliland  xildhibaanada labada golle qaran  salaadiin  iyo waliba marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

soo dhawaynta AwdalState (4)Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada  Maxamuud Barre Garaad, “Wafti ka socda awdal state  oo kusoo guryo noqday gurigiisii rasmiga ahaa ee somliland  iasaga iyo xubnihiisa kalaba  anigoo ah wasiirkii  Wasaarada Shaqada Arimaha bulshada Somaaliland kana so jeeda gobolka awdal waxaad u timaadeen dal namada oo dimuqraadiyad ku dhisan  adiga iyo waftida kale ee kula socdaba  isha allaahu  wixii wada hadala gadaalbaanu ka wada hadli doonaa”

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobaka  Awdal Cabdoo Axmed Aayar “waxaanu halkan kusoo dhaweynaynaa mudane Rashiid al Nuur iyo xumnaha kale ee la socda Aamina Daahir iyo muuse oo aan leeyahay kusoo dhawaada dalkiinii iyo dadkiinii runtii bini aadamku  fikrado wuu qaadan karaa marbana sida uu u arko ayuu ta haboon qaadaa  md rashiid oo markii hore ahaa Awdal state maantana halka ay kusoo noqdeen ay tahay dalkoodii Somaliland oo maanta ah halka ay yimaadeen oo ay kusoo guryo noqdeen  oo qaranimadeeda iyo midnimadeeda ay la socdaan oo wax badan ay ka tari doonaan isku xidhnaanta iyo raadinta ictiraafkaba waxan leeyahay kusoo dhawoow manta”

Snapshot - 10Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay Hoggaamiyaha Kooxda Dibad meerka ah ee dalka ku soo laabtay Rashiid Al Nuur  waxaana hadalkisii kamid ahaa  “ halkan waxa aan salaam qaaliya oo tii islaamka ah aan uga soo gudbinaya  wasiirada salaadiinta ciidamada dawlada  hooyooyinka dhalin yara iyo warbaahinta intaa kabacdi waxaan si gaara u salaamayaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmuud Siilaanyo oo waxbadan kazoo qaatay wada hadalatii,

soo dhawaynta AwdalState (3)Waxaa maanta farxad weyn noo ah sida aad nooshoo dhaweyseen  idinkoon u kala hadhin madax iyo bulshaba, Sidoo kale waxaa farxad inoo wada ah dhamaanteen in maanta awdal state  dalka kusoo guryo noqotay  dhulkoodii hooyo kadib wada hadalo u bilowday  maamulka awdal state iyo dawlada Somaliland  kaas oo wajigiisii koowaad ka bilowda dalka emarateka carabta gaar ahaan Dubia  gabagabadiina uu ku dhamaaday is afgarad kaas oo dhaliyey imaatin kayaga manta. Mudaneyaal  iyo marwooyin  muddo sadex sanno ah waxaanu samaynaynay  daraasad  cilmiyeysan  anaga o o wadatashiyo kala duwan la yeelanay  bulshadayada , halkan maanta waxaan ka cadeeynayaa inagoo ku jirna bishii deseber ee sanadka ugu danbaysay inaanu ka noqonay mawqifkii Somali weyn  aanu ka noqonay laga bilaabo maanta waxaanu diyaar u nahay  inaanu diiri galino  midnimada umadayada, Ujeedoyinkii loo abuuray Awdal state may ahayn in  Somaliland lagu burburiyo ee waxa ay ahayd in wax lagu saxo!”

soo dhawaynta AwdalState (2)Waftidan maanta lasoo dhaweeyey maanta  ee ahaa siyaasiyiintii amisana Awdal State ayaa noqonaysa talabo ay xukuumada hormar ka samaysay mar hadii lagu qaciyo sidii ay dalkooda hooyo wax ula qaban laha yeen dadkooda ee la xidhiidha siyaasada waxbarashada ganacsiga oo ay talo ug biiran laha yeen .

Maaha markii horaysay ee  xubno amisan aragti ka soo horjeeda dalka Somaliland ay dib ugu soo labtaan mudo ka badan 22 sano, waxaana ka horeeyey oo sidan oo kale dalka dib ugu soo laabtay guddoomiyihii hore ee kooxdii la baxday SSC iyo wefti uu hoggaaminayo imikana ah wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ka dib markii heshiisyo dhinacyo badan dhexmareen Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).