SOMALILAND: Tartan loo shaaciyey Buuxinta Jagada Maareeyaha Wakaaladda Korontada Hargeysa oo weli Natiijadiisu laalan tahay iyo Xog-warranka Xaaladda Wakhtigan ee Hay’addaas

wakaaladda korontadaHargeysa (SLpost)- Wakaaladda Korontada Dawladda ee magaalada Hargeysa, ayaan weli loo soo magacaabin maareeye Cusub, ka dib markii Maareeyihii hay’addaas oo digreeto madaxweyne ku magacownaa uu Wasiirka Hawlaha Guud shaqo joojin ku sameeyey. Wakaaladda Korontada Dawladda ee Hargeysa waxa wakhtigan maamulkeeda ay gacanta ku hayaan Guddi ka kooban masuuliyiinta Afar hay’adood oo xukuumadda ka tirsan oo madaxweyne Siilaanyo u magacaabay inay ka soo warbixiyaan xaaladda ay ku sugan tahay hay’addaas, ka dib markii tuhun musuq-maasuq lala xidhiidhiyey Maareeyihii wakhtigaas gacanta ku yahay maamulka wakaaladda Mr Wali Axmed Xaawo oo isaguna dhowr jeer oo uu warbaahinta ka hadlay iska fogeeyey dhaliilaha loo jeediyey.

Ku-simaha Maareeyaha Wakaaladda Korontada Eng Axmed Maxamed Aadan oo WARBAAHINTA kula hadlay  xafiiskiisa, ayaa ka warramay xaaladda Wakaaladda, ayaa sheegay inay sugayaan buuxinta booska maareeyaha oo uu sheegay in tartan loo galay.

“Waxaanu rajeynaynaa in sida ugu dhakhsaha badan loo soo magacaabo Mareeye cusub oo imtixaan ayaa la shaaciyey loogu tartamayey, markaa waxaanu sugaynaa Ninkii Mareeyaha ka noqon lahaa meesha oo anagu diyaar ayaanu u nahay inaanu xilka wareejino oo xilku waa meerto,” ayuu yidhi Eng Axmed Maxamed.

Sii-haya Xilka Maareeyaha Wakaaladda Korontada Hargeysa, waxa uu xaaladda Mishiinnada iyo Cidda gacanta ku haysta maamulkeeda, waxaanu yidhi,“Waxa immika wali sii maamula Guddi ka kooban afar Wasaaradood oo kala Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryeynta, Xisaabiyaha guud ee Qaranka, Qorshaynta iyo Odhadka, markaa iyaga ayaa maamula oo waa guddi ku sii meel gaadha ah. Waxa imika naga fadhiya hal mishiin, hase yeeshee qalabkii ka maqnaa waa loo keenay oo dhawaan ayaanu rajeynaynaa in la kiciyo oo uu shaqadisii dib u bilaabo sidii loogu nasin lahaa mashiinada kale.”

Eng. Axmed waxa kale oo uu Bulshada ugu baaqay inay iska bixiyaan lacagta laydhka ee lagu leeyahay, waxaanu yidhi, “Dhaqaale urursi ayaanu ku jirnaa iyo nidaamyo cusub oo aanu ku xoojinayno Degmooyinka oo aanu shaqaale badan gaynay si ay u suurto gasho sidii aanu dhaqaale u ururin lahayn. Dadka aanu Laydhka u Shidno ee Caasimada Hargeysa, Waxaanu ka Codsanaynaa inay soo bixiyaan lacagta laydhka ee lagu leeyahay.”

Jagada Maareeyaha Wakaaladda Korontada ee Hargeysa oo madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku ugu magacaabay Wali Axmed Xaawa, ayaa waxa masuulkaas xilka ka qaaday isla markaana shaqada ka joojiyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md Axmed Cabdi Xaabsade, ka dib digreeto madaxweyne Siilaanyo Wakaaladaha Korontada ee Hargeysa iyo Berbera ku hoos geeyey wasaaradda Hawlaha Guud, waxaanu Wasiir Xaabsade 19-kii Bishii March, 2013 shaaciyey in tartan loo geli doono Jagada Maareeyaha wakaaladda maalmo yar ka dib markii maamulka hay’addaas lagu wareejiyey Guddida Madaxweynuhu u xil-saaray inay Qorshe u dejiyaan.

Badhtamaha Bishii Koowaad ee Sannadkan, ayaa Hanti-dhowraha Guud ee Qaranku Baadhitis ku bilaabay Wakaaladda Korontada ee Hargeysa, ka dib markii Wasiirka Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade shaqo-ka-joojin ku sameeyey Maareeyihii hore Wali Axmed Xaawa oo uu ku eedeeyey falal wax-isdaba marin ah, haseyeeshee Hanti-dhowrka Guud wax natiijo ah kama soo saarin hawlaha baadhista ah ee uu ku sameeyey Wakaaladda korontada Hargeysa.

 Somalilandpost.net/Hargeysa

contact@somalilandpost.net