Somaliland: Taliska Ciidanka Booliska oo Awaamiir hor leh ku soo rogay Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), ayaa awaamiir dhinaca ammaanka ah ku soo rogay Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Hargeysa oo shaqaaqooyin khasaare sababay ka dhaceen maanta.

Ciyaar ka tirsan wareegga Afar Dhammaadka ee ciyaaraha kubadda Cagta ee gobollada Somaliland, ayaa maanta Garoonka ku dhexmartay Xulalka gobollada Daad-madheedh iyo Hawd oo isku haleelay kulan xiiso leh, haseyeeshee ciyaarta oo gaadhay Rikoodheyaal, ayaa la hakiyey kaddib markii khilaaf ka dhashay gool-ku-laad gobolka Hawd laga qabtay oo la sheegay in gool-waduhu ka soo baxay diilinta Goolka, balse Garsooraha ciyaartu markii dambe xaqiijiyey inaanay gool ahayn, taas oo sababtay in Xulka Gobolka Hawd ku gacan saydhay natiijada iyo inay markooda kubadda ku laadaan Gool-hayaha Daad-madeedh, iyagoo markii dambena la dagaalamay oo gacanta saaray Garsoorihii ciyaarta.

Arrintaas oo sababtay in markii dambe ay taageerayaasha gobolka Hawd shaqaaqo sababtay inay isku dhacaan ciidamada ammaanka ka sameeyaan garoonka.

Haddaba, taliyaha Ciidanka Booliska oo warbaahinta la hadlay, waxa uu digniin u diray taageerayaasha xulalka gobollada Maroodijeex iyo Gabiley oo Sabtida Berri ka dhici doona Garoonka.

Hadalka Taliyaha ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Daadmadheedh vs Maroodijeex/Gabiley

Xulka Gobolka Daad-madheedh oo sidaa isaga xaadiriyey Final-ka tartanka kubadda Cagta ee gobollada Somaliland, waxa ay iska hor-iman doonaan Xulka ku guulaystay Ciyaarta maalinta Berri garoonka kubadda Cagta Hargeysa ku dhexmari doonta Gobollada Maroodijeex iyo Gabiley.