Somaliland oo Walaac xooggan ka muujisay Xaaladda Siyaasadeed ee Somalia, Baaqna u dirtay Beesha Caalamka

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda xilligan ee Soomaaliya, waxaanay sheegtay inay mowqif la mid ah aragtida beesha Caalamka ka taagan tahay muddo-kordhinta loo sameeyey madaxweynaha dalkaas.

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay inay xukuumaddu walaac xooggan ka qabto dhacdooyinka ka dhan ah ku tumashada nidaamka dimuqraadiyadda iyo xasilooni-darrada ka taagan Soomaaliya.

Waxa war-murtiyeedka lagu sheegay in nidaamka maamul ee Soomaaliya ka jira sabab u yahay ismarin-waaga siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taasina ay halis muuqata ku tahay xasiloonida mandaqadda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay dhacdooyinka dimoqraadiyadda iyo xasilloonida-darrada ah ee ka socda waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Ismari-waaga siyaasadeed ee maanta ayaa markhaati u ah cabudhinta iyo hoggaaminta macangagnimada ah ee taliska Farmaajo, taas oo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka isla markaana geli kara Soomaaliya dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo inuu ku qasbo barakaca kumanaan rayid ah. galay dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda eeSomalialnd.

Xukuumadda Somaliland waxa ay baaq u jeedisay Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. “Waxaan ku boorineynaa in dadka adkaysiga leh ee reer Muqdisho ee ay isugu darsantay rasaasta argagixisada ee aan kala joogsiga lahayn iyo kalitalisnimada Farmaajo si shuruud la’aan ah loo ixtiraamo xuquuqda aadanaha si loo ilaaliyo nabaddooda iyo xasilloonidooda.

Waxaan ku bogaadineynaa go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Cunaqabateynta Hubka lagu sii hayo, waxaanan beesha caalamka ka codsaneynaa inay laba jibaarto dadaalkeeda la socoshada iyo hubinta in hub sharci-darro ah la geeyo Soomaaliya xilligan,” sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka.

War-murtiyeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa lagu sheegay guulaha dowladnimo iyo dimuqraadiyadeed ee Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya, waxaana lagu yidhi, “Tan iyo markii ay dib ula soo noqotay qaranimadeedii, jamhuuriyada Somaliland waxay ahayd ilays dimuqraadi ah oo ka ifaya gobolka, waxaana ku qabsoomay doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo qiyam dowladnimo oo hirgalay.

Sidaa darteed, waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka inay si toos ah ula macaamisho Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wax ka kororsato waayo-aragnimadeeda.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland oo lagu socodsiiyey Beesha Caalamka iyo Soomaaliya, kaas oo wariyeyaa Somalilandpost ku soo tarjumeen afka Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net