Somaliland oo shaacisay Tiradii ugu Badneyd ee Covid-19 laga helay iyo Dhimashada oo Korodhay

Guud ahaan dadka la baadhay, Boqolkiiba 20 ayaa laga helay xannuunka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi, ayaa sheegay in xanuunka Covid-19 laga helay 37 Qof oo 3 ka tirsani u dhinteen xanuunkaas.

Wasiirku waxa uu sheegay in boqol iyo dheeraad qof oo ku nool magaalada Hargeysa oo xanuunka laga baadhay 72-kii saac ama saddexdii cisho ee u dambeeyey ay ka soo dhex-baxeen 37 Ruux ee laga halay Covid-19. Saddexda Qof ee xanuunka u geeriyooday ayuu Wasiirku sheegay inuu ku jiro Qof 24 sano jir ah.

Tirada guud ee Dadka Cudurka Covid-19 laga helay Somaliland, ayaa maraysa 168 Qof, halka ay xanuunka u dhinteen 14 Qof, waxaana ka bogsaday 18 Qof, sida uu Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland sheegay.

Tirada Guud ee Dadka laga Baadhay Xannuunka, ayaa ah 831 qof oo 168 ka mid ah laga helay, waxaanay noqonaysaa in Boqolkiiba 20.21% laga helay xannuunka.

95 Qof oo u dhiganta Boqolkiiba 57% tirada dadka laga helay xannuunka, ayaa ku nool magaalada Hargeysa, halka boqolkiiba 43% tirada dadka u dhintay xannuunku ku noolaayeen caasimadda, sida aanu ka soo xigannay xogta lagu baahiyey Mareegta wasaaradda Caafimaadka ee lagu keydiyo Macluumaadka xannuunkan.

 

 

Somalilandpost.net
webmaster@somalilandpost.net