Somaliland oo ka qeybgashey markii ugu horeysey shir caalamiya oo lagaga hadlaayey waxbarashada

  • New York(SLpost)Xukuumadda Somaliland ayaa kulan caalami ah kaga qayb gashay dalka Maraykanka.Shirkan oo lagaga hadlayay Waxbarashadda ayaa waxa Somaliland ku soo marti qaaday ergayga qaramadda Midoobay u qaabilsan Waxbarashadda. Somaliland ayaa waxa shirkaasi ku matalayay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye Iyo Cali Salaan Jirde oo ka tirsan Saraakiisha sarsare ee Wasaaradda Waxbarashada Hadaba qoraal kooban oo ay soo gaadhsiiyeen Somalilandpost ayaa u dhignaa sidan waxa uu shirku ku saabsanaa waxbarashada waxa ay Somaliland ka mid ahayd lix dal oo uu Gordon Brown oo hadda ah ergayga gaarka ah ee xogahaya guud ee QM u qaabilsan waxbarashadu ku casuumay wasiirka tacliinta Somaliland, halkaas oo aanu u gudbinay laba dhocument oo kala ah Somaliland five years Education Sector strategic Plan (ESSP) iyo Somaliland country paper, halka dawlada Soomaaliya aanay waxba la iman shirka isla markaana dawlada maraykanku u diiday wasiirka Horumarinta bulshada ee Xamar fiisaha dal ku galka, iyadoo badalkeedii uu yimid nin la yidhi waa wasiirka maaliyada oo aan wax uu sheego garanayn, taasoo Soomaaliland siisay fursad qaali ah oo ay ku gudbiso rabitaankeeda iyo baahiyaheeda si fudud una furtay dhagaha dadkii shirka joogay oo u badnaa dawladaha qaadhaanka bixiya, baanka adduunka, hay?adaha qaramada midoobay. waxa shirka soo qabana qaabiyey Gordon Brown.
  • shir

Waxa ka soo qayb galay wasiirada Denmark iyo Norway u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, madaxa hay?ada Global Parnership for Education (GPE) Ms. Alice Albright, Madaxa Qadar foundation Sheekha Musa, boqorada Jordan Queen Rania, iyo marti sharaf kale oo ah dadka daneeya waxbarashada caruurta adduunka iyadoo Somaliland ay ka mid tahay dalalka bilaash ka dhigay waxbarashada asaasiga ah.

Somalilandpost.net

New York