Somaliland oo Go’aan ka gaadhay Wada-shaqaynta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaalida

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay wada-shaqaynta Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaalida, kaddib markii heshiis dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo wakiilka Xafiiska Qaramada Midoobay James Swan todobaadkii hore.

Warsaxaafaddeed laga soo saaray shir aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen golaha Wasiirrada JSL, ayaa lagu sheegay inuu heshiiskaasi meel ka-dhac ku yahay jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland, sidaas awgeed ay xukuumaddu ka fiirsanayso wada-shaqaynta xafiiskaas.

Golaha Wasiirrada Somaliland

Go’aanka Golaha Wasiirradu ka gaadheen arrintan oo lagu faafiyey War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha, ayaa lagu yidhi, “Fadhi aan caadi ahayn oo golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu yeeshay maanta oo Sabti ah oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu goluhu dood iyo falan-qayn ka yeeshay heshiis ay wada gaadheen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay qarannimada Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.

Sidaa daraadeed, Somaliland kama mid aha maamullada Federaal-ka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Jamhuuriyadda Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda dalnimo, sidaa awgeed golaha wasiirradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Somaliland muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Qarannimada Somaliland.

Golaha wasiirradu waxa uu faray wasaaradaha ay khusayso arrimahaasi inay warbixin qoto-dheer ka keenaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net