Somaliland oo Dowladda iyo Ganacsatada Taiwan u Bandhigtay Maalgeshiga Kheyraadkeeda Dihin

Madaxweynaha Taiwan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Madaxweynaha Taiwan waxa ay xidhiidhka Somaliland ku tilmaantay Guul Dublomasiyeed oo Xukuumaddeedu gaadhay

Taipei (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay gaadhay dalka Taiwan, ayaa Arbacada maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Taiwan Mrs. Tsai Ing-wen oo qasriga madaxtooyada ku qaabishay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd, waxa uu sheegay in muhiimadda socdaalkooda ee Taiwan ka tarjumayo qiyamka guud ee ay labada waddan wadaagaan isla markaana lagu sii xoojinayo xidhiidhka dublomaasi iyo ganacsi ee Taiwan iyo Somaliland.

Wasiir Ciise Keyd waxa uu kulanka ku soo bandhigay fursadaha maalgeshi ee ka bannaan Somaliland oo ay ugu horreeyaan kheyraadka dabiiciga ah, waxaanu wasiirku sheegay inay soo dhaweynayaan maalgeshi iyo xidhiidh ganacsi oo shirkadaha waaweyn ee Taiwan ka sameeyaan Somaliland.

Dr Ciise oo hadal ka jeediyey kulanka, waxa uu yidhi, “Somaliland waxay leedahay kheyraad dihin oo si fudud looga faa’idaysan karo hadday tahay dhinacyada macdan-qodista, Shidaalka, Gaasta dabiiciga ah iyo sidoo kale dhuxul-dhagaxda. Waxaanu dhiirigelineynaa, muhiimadda koowaadna siinaynaa Kor-u-qaadista ganacsiga iyo fursadaha maalgashi halkii aan ku tiirsanaan lahayn mucaawimooyinka.”

Madaxweynaha Taiwan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland

Madaxweynaha Taiwan Mrs Tsai Ing-wen, ayaa bogaadisay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland oo ay ku tilmaantay guushii ugu muhiimsanayd ee ay xukuumaddeedu ka gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda muddadii ay xilka haysay, iyadoo hadalkeedan ku sababaysay muhiimadda juquraafi ahaan Somaliland u leedahay suuq-geynta badeecadaha lagu farsameeyo gudaha dalka Taiwan.

Madaxweynuhu waxa ay sheegtay in Somaliland fure u tahay bilowga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi oo Taiwan la yeelato dalalka Afrika maadaama oo marka Somaliland laga reebo, waddanka kaliya ee xidhiidhka la leh Taiwan yahay dalka Koonfurta AFrika ku yaalla ee Swatini (Swaziland).

“Somaliland iyo Taiwan waxay wadaagaan qiyamka dimuqraadiyadda caalamiga ah. Xilligan, Somaliland waxay noo tahay bogcad muhiim ah oo ku taalla Bariga Afrika oo marin u noqonaysa mashruuca Taiwan ee Afrika,” sidaas ayay tidhi madaxweynaha Taiwan.

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan oo weftiga Somaliland ku qaabilay kulan hadhimo-sharafeed ah, kaas oo hordhac u ah kulan ballaadhan oo wasiirradu maalinta Berri la qaadan doonaan madaxda shirkadda Shidaalka ee CPC.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Keyd, waxa safarka ku weheliya Wasiirka Qorsheynta Qaranka Cumar Cabdilaahi Bade, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed.

Taiwan iyo Somaliland ayaa badhtamaha sannadkii 2020-kii si ramsi ah u bilaabay xidhiidh dibloomasiyeed, iyagoo labada dhinacba xafiisyo wakiil ah danaha labada waddan ka furay magaalo-madaxyada Taipie iyo Hargeysa isla sannadkaas.

Taiwan ayaa ka taageerta Somaliland dhinacyada waxbarashada, Beeraha, Caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, waxaanay dhawaan soo gaadhsiiyeen gargaar caafimaad kaddib markii ay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkii hore soo caga-dhigatay diyaarad sidday in ka badan 150,000 Xidhmo oo ah tallaalka Covid-19 ee Madgen oo lagu farsameeyey Gudaha Dalka Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net