Somaliland oo Diiwaangelinaysa Macalimiinta ka hawl-gasha Gudaha Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa macalimiinta ka hawl-gasha gudaha dalka ku wargeliyay in dhammaadka sannadkan macalinka aan haysan liisan ay wasaaraddu bixinayso aanu Somaliland macalin ka noqon karin, waxna ka dhigi karin.

Wasiir Toorno waxaa uu xusay in shuruudaha looga baahan yahay macalimiintu marka ay qaadanayaan liisanka in sitaan waraaqda danbi la’aanta, waraaqda caafimaadka, iyo in darajada macalinku wax ugu dhigaya ardayga inay tahay mid ka sarraysa ta ardayga uu wax ku baro.

“Dhammaadka sannadkan macalinka aan liisan haysan, Somaliland macalin kama noqonayo ee ogaada, anaga oo idin ixtiraamayna duruufihii aad ku soo shaqeyseena og. Saddex shuruudood ayaa ku xidhan macalinimada, in macalinku haysto shahaado darajo ka sarraysa darajada uu ardayda wax ugu dhigayo, haddii uu dugsi sarre wax ka dhigayo waa in uu jaamacad ka baxay, haddii dugsi hoose dhexe wax u dhigayana waa in uu dugsi sarre ka baxay, haddii uu arday jaamacadeed wax u dhigayana waa in uu PHD sito,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Toorno oo hadal ka jeediyey munaaasibad lagu xusay maalinta macalinka adduunka oo Hargeysa lagu qabtay.

Wasiirka oo ka hadlayey shuruudaha looga baahan yahay qaadashada liisanka macalimiinta, waxa uu yidhi, “Sidoo kale waxa looga baahan yahay waraaqda danbi la’aanta, isla markaana uu soo caddeeyo in aanu danbi lahayn, sababto ah qofku danbi wuu geli karraa, marka qof maxkamaddii xukuntay oo danbi lagu helay arday laguma aamini karro, shaqo kale ayaa loo diraya waxaana la odhanaya arday waxba u dhigi maysid.

Waxaa kale oo laga rabba waraaqda caafimaadka, in aanu qabin xannuunada neefta lagu kala qaado, haddii kale xannuunkii ardayda ayuu ugudbayaa, balse macalinka xannuunsada ma eryayno ee waynu daweynaynaa, marka uu bogsado ayaynu shaqada ku soo celinaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Toorno.

Qorshaha uu kaga dhawaajiyey Wasiir Toorno ayaa noqonaya markii u horeysay ee liisan diiwaangelin ah loo samaynayo macalimiinta ka hawl-gala gudaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net