Somaliland: Maxkamadda Sare oo dhaarisay Xildhibaan Cusub oo ku Soo Biiray Golaha Guurtidda

 

Hargeysa, (SLpost) — Mudane Axmed C/llahi Cali Xuseen ayaa maanta loo dhaariyay inuu ka mid noqdo Golaha Guurtida Somaliland.

Sida wax lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Maxkamadda Sare. kaas oo u dhigna sidan

Ujeedo: Dhaarin Mudane

Tixraaca sumadeedu tahay CG/JSL/10/01/2016 Ee ku taariikhaysan 23/01/2016,kuna saabsan buuxin xubin ka Banaanaatay Golaha guurtida ee uu noosoo qoray Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL.

Guddoomiyaha maxkamadda sare: waxaa uu manta oo ay taariikhdtu tahay 24/01/2016 ku dhaariyay mudane Axmed C/llahi Cali Xuseen Dhaarta Ku xusan Qodobka 129 aad ee Dastuurka JSL, laga bilaabo manta oo ay taariikhdu tahay 24/01/2016. Saacaduna tahay 09:50 wuxuu ka mid noqonayaa Mudanayaasha Golaha Guurtidda JSL.

ALLAA MAHAD LEH.

Prof: Aadam X. Cali Axmed

Gudoomiyaha maxkamadda sare JSL.