SOMALILAND: Maayaradda Sagaal Magaalo oo Socdaal Khibrad-Korodhsi ah ugu Baxay Dalka Tanzania

maayarroHargeysa (SLpost)- Wefti ka kooban 9-Maayar oo ka kala socday Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa maanta gelinkii danbe ka dhoofay Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa, iyaga oo u sii jeeda Magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Maayaradan oo ka kala socday Magaalooyinka Saylac, Boorame, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh, Laascaanood Iyo Oodweyne waxay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qeybgeli-doonaan shirar ay la yeelan doonaan dawladaha Hoose ee dalkaasi, isla markaana waxay u kuurgeli doonaan qaabka ay u shaqeeyaan dawladaha Hoose si ay macluumad iyo khibrad uga soo korodhsadaan.

Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadlay Cabdilaahi Kaneeco oo ka hadlayey u-jeedada safarka Maayarada iyo waxay halkaasi ka soo qaban doonaan waxaanu yidhi “Weftigan oo ka kooban 9-Maayar oo kala ah Maayarada Saylac, Boorame, Gabiley Hargeysa,Berbera,Burco,Sheekh,Laascaanoodiyo Oodweyne, waxay tagayaan Dalka Tanzania,gaar ahaan Magaalada Caruusha, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirar Dawladaha Hoose ee dalkaasi yeelanayaan iyo sida ay wax u qabtaan, isla markaana aqoon is-weydaarsina lagu soo kala korodhsan doono.”

maayaradaMaayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa,oo ah Maayarka Maayarada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan-SOLTECO) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaanu u baxaynaa annaga oo ka kooban 9-Maayar, Agaasimaha guud ee Wasaarada arrimaha gudaha iyo qaar ka mida Shaqaalaha Ururka AlKAS ee dawladaha Hoose,waxaanu u baxayna inaan tagno magaalada Caruusha ee dalka Tanzania,waxaanan halkaasi kula kulmi doona Ururka dawladaha Hoose ee dalka Tanzania iyo dalada guud ee Geeska Afrika dawlada-hooda Hoose,annaga oo halkaasi aqoon korodhsi, iyo sidii la isku soo baran lahaa iyo weliba sidii war-bixino la isku weydaarsan lahaa muddada aanu halkaasi joogno.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxaan ku maqnaan doona muddo 7-Cisho ah,waxa naga maqan uun Maayarkii Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur,iyada oo aynu ku jirno xili-roobaad oo ay soconayso shaqadii oo Maayar kuxigeenadu sii wadayaan oo ah niman firfircoon.”

maayarada2Maaha markii u horreysay ee maayarradda Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland socdaal khibrad-korodhsi ah ugu baxaan waddamo debedda ah, gaar ahaan dalalka Bariga Afrika, waxaana sidan oo kale safarro shaqo ugu baxay dalalka Uganda iyo Tanzania maayarrada Goleyaashii Deegaanka ee Hore, kuwaas oo hawl-maalmeedkooda iyo adeegyada ay bulshada u hayeen ku dabbakhay Waayo-aragnimo iyo iskaashi ay ka soo kasbadeen dawladaha hoose ee dalalkaas.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net