“Somaliland iyo Soomaaliya waxa u wanaagsan inay noqdaan laba dal oo jaarnimo, walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeyo…waanu wadahadali doonaa waqtiga munaasibka ah” – Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa, 02 March, 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka mid ah wufuudi ka qaybgashay shirkii 23 February lagu soo gebgabiyey dalka London, ayaa sheegay inuu shirku muhiim u ahaa Soomaaliya oo iyaga lagu casuumay aragtidoodan ay ka dhiibteen.

War mutiyeedkii shirka London waxa ku xusnaa in Somaliland iyo dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay yeeshaan wadahadal ay kaga hadlayaan xidhiidhkooda mustaqbalka, iyada oo madaxweynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hore u  sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahal la furo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland oo waraysi siiyey Idaacada BBC laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inay Somaliland iyo Soomaaliya ay u wadashaqayeen sidii laba dal oo jaar ah, “Wadahadal damcan anigu waxaanu u aragnaa oo sida aanu u turjumaynayno waxaanu u aragnaa, in qadiyadu in aanu waxa wadahalo waxa naga dhexeeya,”ayuu madaxweyne Siilaanyo ku sheegay waraysigaas.

Waxaanu inta sii raaciyey Madaxweynuhu hadalkiisii, “Waxa naga dhexeeya waxaanu nahay dad walaalaha in aanu nahay oo wax badan oo masaalaxi ahi naga dhaxeyn karaan. Hase-ahaatee waxaanu ka wadahadali karnaa tahay madaxbanaanidayda aanu ku qancinayno walaalahayga oo aanu jecelnahay inay nala fahmaan oo ay tahay madaxbanaanidayda oo aanu sidii aanu kuwada shaqayn lahayn oo mandaqadda iyo samlaxadeeda iyo wanaageeda iyo sidii qolo waliba wixii qoloda kale dhaanto ee khibrad ah ee waayo-aragnimo ah la isku biiriyo ayaanu u aragnaa inay tahay inay maslaxadu ku jirto”

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey xilliga uu bilaabmayo wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya ayaa yidhi, “Taa waqti aan anigu qabanayaa ma jirto, laakiin waqti alle iyo waqtiga la isla garto insha alle watacaal ayay noqon”

Mar madaxweynaha waxa laga waydiiyey inay kulmeen Madaxweynaha Soomaliya iyo in kale ayuu yidhi “Madaxweyne Shariif waxaanu isugu nimidnay  shirka London, shirkan wax sidaa badan dhaafsiisan ismaanaan odhan iyo kaftan aanu kaftano. Laakiin insha Alla  sida aanu sheegnay waanu ka wadahadali doonaa wixii danaha masaalaxa Somaliland ah ee waqtiga munaasibka ah,”ayuu sii raaciyey hadalkiisii Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Waxa kale oo madaxweynaha wax laga waydiiyey waxyaabihii ay masuuliyiinta Ingiriiska ka wadahadaleen inay rejo uga muuqato inay Soomaaliya markale cagaheeda dib ugu istaagto oo ay fowdada ka baxdo? Waxaanu yidhi “ ILAAHAY waxaanu u rajaynaan oo ay dunida oo dhami ay isugu timi oo ay dunida oo dhami u rejaynaysaa oo aanu aniguna aad u rajaynaynaa oo ay dunida oo dhami jeceshahay inay Soomaaliya fowdada  ka baxdo oo ay Soomaaliya noqoto dal xasiloon oo dunida iyo mandaqadda ay ku nooshahay wax ku tara oo ay nabadgelyo iyo xasilooni ku soo noqota, inta la rabay ee shirka loo qabtay inta weeye”

Mar Madaxweynaha wax laga weydiiyey inay Soomaliya sidii hore noqoto oo aad idinkuna aad danihiina meesha ka sheegatan sidee ayay idin la muuqata waxa uu yidhi “Maya ee anaga nooma muuqato ee anaga waxa noo muuqata sidii looga wadahadali lahaa sidii walaalnimo iyo wanaag ku jiro oo loo kala bixi lahaa oo iyada oo laba wadan oo walaalaha oo jaara oo fiican oo wada shaqayn leeyahay oo sidii wax loo wada qaban lahaa ee loo wada shaqayn lahaa oo danaha iyo maslaxadda mandaqada looga shaqayn lahaa ayaa anaga noo muuqata oo waata ta aanu ku shaqaynaynno”

Waxa kale oo madaxweynaha wax laga weydiiyey maadaam oo ay 1991 goosteen haddii ay dhibaataddii ku dhacday la xaaliyo inay Soomaaliya ka sii mid noqon karaan iyo in kale, “Waqti badan ayaa ka soo wareegay, taa waxa weeye dadka reer Somaliland way ka tashadeen oo go’aan ayay ka qaateen oo muddo badan ayay madaxbanaanayeen oo ay madaxbanaanidoodu ahayd oo dadkii ku koray imika ay yihiin dad waaweyn.

“Waqtibaa jiray geeska afrika oo dhami ay doonaysay inay Soomaali isku timaado oo ay dawlad qudha noqoto may suura-galin oo tana uguma horreyso laba wadan oo is-raacay uu is-raacoodii shaqayn waayo ugumu horren Somaliland iyo Soomaaliya. Maantana waxa weeye Somaliland iyo Soomaaliya inay si wanaagsan oo jaarnimo ah oo fiican oo walaaltinimo ka dhaxayso inay iga oo laba waddan ah oo wanaag ka dhexeeyo oo ay wadashaqayn iyo iskaashi lahaadan ay ugu fiican tahay,” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net