Hargeysa (SLpost)- Guddiga heer Qaran ee Xakamaynta caabuqa Coronavirus, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Somaliland, waxaanay ka wada-hadleen sidii ay dhinacooda uga qayb-qaadaan lahaayeen ololaha ka hortagga cudurka Covid-19 oo saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dalka iyo miisaanadda xukuumadda.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga ka-hortagga Coronavirus oo ay weheliyaan Wasiirrada xukuumadda ee xubnaha ka ah Guddiga, waxa ay maanta madaxtooyada Somaliland kulan kula qaateen ganacsatada dalka oo ay u soo bandhigeen qodobbo la xidhiidha saamaynta caabuqa Coronavirus.
Arrimaha ay guddigu u soo bandhigeen ganacsatada ayaa waxa ugu muhiimsan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sanduuq gaar ah oo xukuumaddu u samaysay la-dagaalanka Cudurka Covid-19, kaas oo sida madaxweynaha Somaliland oo shalay hadlay sheegay ay xukuumaddu sanduuqaas ugu talo-gashay inay ku shubto adduun lacageed oo dhan Saddex Milyan oo Dollar.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirrada Warfaafinta Saleebaan Cali Koore, Maaliyada Dr Sacad Cali Shire, Caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid oo kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey saamaynta uu xannuunka Covid-19 ku yeeshay dhaqaalaha, ganacsiga iyo caafimaadka dalka, waxaanay ganacsatada ku booriyeen sidii ay doorkooda uga qayb-qaadaan lahaayeen sidii loo dabooli lahaa baahida isbeddel ee xannuunku sababay.
Masuuliyiinta xukuumadda waxa ay ganacsatada u faahfaahiyeen ujeeddada kulanka ay isugu yeedheen oo ku saabsan saddex qodob oo kala xog-waraysi, wada-tashi iyo Codsi xukuumaddu kaga dalbatay inay ganacsaadu ka qayb-qaataan ololaha lagula tacaalayo Caabuqa Coronavirus oo tirada dadka la xaqiijiyey ee laga helay marayso 6 qof oo ku kala nool gobollada Somaliland.
Dhinacooda, ganacsatada kulanka ka qayb-galay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhibaatada ka dhalatay samaynta uu xannuunkani keenay, waxaanay talooyin u jeediyeen Guddiga xakamaynta iyo la-dagaalanka cudurka Covid-19.
Hadallada masuuliyiinta Xukuumadda iyo Ganactada ee kulanka ka hadlay, waxaanu idiinku soo gudbinaynaa oo aad kaga bogan kartaan muuqaallada hoose
Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ka jeediyey kulanka Kulanka
Hadallada Wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda iyo Caafimaadku ka jeediyeen Kulanka
Weedhaha ay yidhaahdeen Guddoomiyaha Rugtida Ganacsiga iyo Ganacsatada kulanka ka qayb-gashay
Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyey ee Guddiga heer Qaran ee Covid-19 la qaataan Ganacsatada dalka, marka laga reebo kulan dhawaan guddigu la qaataday Ganacstada Qaadka oo ay ka wada-arrinsadeen sidii loo joojin lahaa Qaadka laga keeno dalka Ethiopia oo ka qayb-qaadan kara inuu cudurku ku faafo dalka.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net