Slovakia oo magan-gelyo siisay 11 qaxooti Soomaali ah

Slovakia(SLPOST)11 qof oo qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday dalka Yemen ayaa magan-gelyo ku-meel-gaar ah laga siiyay dalka Slovakia.

slovina 1

Hay’adda socdaalk adduunka ee IOM ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ay gaareen dalka Slovakia Talaadadii la soo dhaafay, iyagoo halkaas ka helay magan-gelyo lix bilood ku eg.

Slovina

IOM ayaa boggeeda ku sheegtay in dadka magan-gelyada helay ay isugu jiraan haween iyo carruur la sheegay in lagula kacay kufsi iyo gaboodfallo kale.

Qaxootiga Soomaalida ayaa ka soo cararay dagaallada iyo xasillooni la’aanta ka jirta dalkooda.

Waa kooxdii labaad oo qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday dalka Yemen, kuwaas oo dib u dejin ka helay dalka Slovakia.

Tallaabada ayaa ka dambeysa kaddib markii heshiis ay wada gaareen dowladda Slovakia, UNHCR iyo IOM

Somalilandpost@live.com

Hargeysa/Somaliland