Siyaasi Maxamed Cumar Carte oo Saamaxaad Madaxweyne ku yimi Hargeysa

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Maxamed Cumar Carte oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana Raysal-wasaare ku-xigeen ka soo noqday dalkas xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland ka aqbalay Codsi uu Cafis kaga soo dalbaday.

Maxamed Cumar Carte oo Hargeysa ay weriyeyaasha qaarkood kula kulmeen maanta, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo imaatinkiisa iyo saamaxaaddiisa toona, isagoo ku cudur-daartay inaanu xilligan diyaar u ahayn inuu warbaahinta ka hadlo.

Ujeeddada ka dambaysa imaanishiyaha siyaasigan ee Hargeysa, ayaa ah booqasho uu ugu yimi Aabbihii Cumar Carte Qaalib oo Hargeysa ku xanuunsanaya.

Qoraal aan si rasmi ah uga soo bixin madaxtooyada Somaliland, balse si dadban warbaahinta qaarkeed u faafisay, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka aqbalay dalab saamaaxaad ah oo ka yimi Maxamaed Carte Qaalib, kaas oo lagu sheegay in siyaasigani ka tanaasulay fekerkiisa Soomaaliweyn, isla markaana madaxweynuhu go’aankiisa gaadhay kaddib markii la tashi kala sameeyey xeer-ilaalinta guud ee qaranka iyo hay’adaha kale ee ay khusayso.