Siyaasi Cali Waran-cadde oo Luuqad Adag ugu Jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya

 

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si adag uga jawaabay hadal dhowaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) ku sheegay in ‘Somaliland ka quusatay aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka muddo 30 sanno ah oo ay raadinayeen’.

Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu ku dooday in hadallada nooc ah ee madaxda soo Soomaaliya ka soo yeedhay u muujinayaan shacabka Somaliland cadaawad iyo naceyb ay u hayaan, waxaanu Mr Farmaajo uga digay inuu ku dhiirrado waxyeello uu ula badheedho ama kaga soo horjeesto rabitaanka shacabka Somaliland.

Cali Maxamed Waran-cadde ayaa arrintan iyo qodobbo kale kaga hadlay waraysi uu magaalada Hargeysa ku siiyey telefishanka madaxa-bannaan ee Bulsho.

Halkan kaga bogo Waraysiga Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde.