Sidaynu Abaaraha uga guulaysan karnaa?: Xal Jaban oo macquul ah

Ugu yaraan dhawrkii sanno ee kasta waxa aynu wajahnaa abaaro adag oo dad iyo duunyaba baabi’iya. Weliba wayno filannaa, waynu ku xisaabtannaa in ay dhici doonto. Se kama fikirno sidaynu uga gaashaammanaa.

Soomaalidu waa dad ku wanaagsan wax isa siinta, kolka ay abaari dhacdo waa la gurmadaa cid waliba waxa ay bixisaa wixii ay karayso, lacag malaayiin dollar ah ayaa la isu soo ururiyaa, oo dadka jal iyo biyo lala gaadhaa.

Ka warrama haddii aynu sannadka danbe ka gaashaamanno abaar danbe oo dhacda? Waxa aan hayaa qorshe Jaban oo macquul ah.Kolka ay abaari dhacdo, waxa meesha ka baxaa laba shay; 1. Calafkii xoolaha (calafka dadkuna wuxuu ku xidhan yahay xoolaha) iyo 2. Biyaha. Qorshahani waxa uu ka duulayaa sidii labadaas loo sugi lahaa 12 bilood ee sannad kasta.

1. Biyaha:

Sannadka kasta waxa Somaliland ka da’a roob lagu qiyaasay 14.5 inch (Somaliland in Figures, 2010). Biyahaasi 90% waxa ay galaan badda, dhulkana waxa ay u gaystaan dhibaato deegaan oo ay ugu wayntahay nabaad guur baaxad leh. Su’aashu waxa ay tahay side biyahaas looga faa’idaysan karaa.

Jawaatu ma cusla. Keliya waxa aynu u baahannahay qorshe iyo wax qabad daacad laga yahay shicib iyo dawlad ba. Ka warrama haddii aynu xooggeenna isugu geyno in aynu dalka ka samayno biyo fadhiisinno waawayn (Harooyin gacan ku samays ah) oo laga sameeyo meelaha dooxyada waaweyni biyaha isugu daraan. Dawladdu qalabka ha keento (cagafyada, isku rogooyinka I.W.M), ganacsatadu dhaqaalaha ha bixiso (Shidaalka, cuntada dadka shaqaynaya I.W.M) shicibka iyo askartuna xoogga ha bixiyaa, iyo khubaradii cilmiga u lahayd oo Iyana ku tabarucda aqoontooda. Waxaan hubaa inaynu sannad gudihii dhawr biyo fadhiisin samaysan lahayn. Biyahaas waxa looga faa’idaysan karaa si walba (Cabitaan, Beerasho I.W.M)

2. Baadka (Calafka Xoolaha):

Dawladdu ha qorshayso dhul daaqsimeeka gobol kasta, oo ha u qaybiso afarta xilligi: Qayb guga oo qudha la daaqo, qeyb xagaaga la daaqo, qeyb jiilaalka la daaqo iyo qeyb dayrta la daaqo. Waxa kale oo loo baahan yahay in dadka la baro sida ay xoolahooda u nafaqayn lahaayeen (Sida in xoolaha la nasiyo, calafkoodana loogu beero)

Bal sawiro intaas oo la isla helo. Nimcadu saw may dhaqaaqdeen?

Adigu qorshe maxaad haysaa?

Qore Mustafa Ahmed