Shuruudaha Wada-hadal Dhexmari kara SOMALILAND Iyo SOMALIA

Wadahadal kasta oo dhexmara laba dhinac ama laba dal sida Somaliland iyo Somalia waa inuu leeyahay shuruudo rasmi ah oo labada dhinacba fuliyaan isla markaana ixtiraamaan si wadahadaldu u qabsoomaan una guulaystaan. Qormadan waxay qeexaysa shuruudaha rasmiga ah ee laga rabo wadahadal dhexmarikara Somaliland iyo Somalia si uu u midho dhalo.

 

Sida taariikhda ku cad waxaa 1 dii Bishii July ee 1960 si aan rasmi ahayn oo ku dhisan caadifad iyo waayo-aragnimo la’aan u midoobay Jamhuuriyaddii Somaliland iyo Jamhuuriyaddii Somalia oo ka kala xoroobay Ingiriiska iyo Talyaaniga (Somaliland waxay Ingiriiska ka xorowday June 26, 1960 halka Somalia Talyaaniga ka xorowday July 1, 1960).

 

Midowgaas ku ekaa 30ka sano ma dhexmarin 5ta Somaliyeed ama Somaliweyn. Ma dhexmarin Somaliland iyo 5ta Somaliyeed (Somaliweyn) balse waxaa uu dhexmaray Somaliland iyo Somalia oo qudha.

 

Wadahadlkasta oo dhexmara Somaliland iyo Somalia waa inuu dhexmara dadka u dhashay Somalia iyo dadka u dhashay Somaliland oo qudha. Marnaba lama aqbalikaro in Somalia ku soo darsato xubnaheeda wadahadalada dad u dhashay Kilinka 5aad ee Somalida Itoobiya, Jabuuti iyo Somalida Waqooyi Bari Kenya sababta oo ah Somaliland 1960 lama midoobin Somaliweyn.

 

Waxaa kale oo reeban oo aan la aqbali karayn in Somalia xubnaheeda wadahadalada ku soo darsato xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha Somaliland sababta oo ah wadahadaladu ma dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliland balse waxay dhexmarayaan Somaliland iyo Somalia.

 

Shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee ku jira una adeega baarlamaanka, garsoorka iyo xukuumadda Somalia ama degan Somalia amaba degan meelkale ee u ololeeya waxa lagu magacaabo “MIDNIMO” iyo “Somaliweyn” amaba dad u dhashay Somaliland ma gelikaraan wadahadalada dhexmara Somaliland iyo Somalia iyaga oo matalaya Somalia sababta oo ah waxay u dhasheen ama ka soo jeedaan Somaliland. Sidaas oo kale, Somaliland kuma soo darsankarto xubnaheeda u matalaya wadahadalada dad aan u dhalan Somaliland.

 

Waxaa iyaduna reeban amaba mamnuuc ah in wadahadalada dhexmara Somaliland iyo Somalia lagu saleeyo waxa lagu magacaabo “4.5” oo ah arrin la xidhiidha Somaliweyn oo aan khusayn Somaliland. Wadahadaladu ma dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliweyn balse waxay dhexmarayaan Somaliland iyo Somalia oo qudha. Somalia ayaa ku dhaqanta waxa lagu magacaabo “4.5” oo u dhiganta “Somaliweyn” taas oo la macno ah dal, dad iyo dawladnimo aan la kala lahayn oo ka dhaxaysa 5ta Somaliyeed.

 

Ummadda Somaliland kuma dhaqanto “4.5” amaba “Somaliweyn” waayo dalkeeda iyo dawladnimadeeda iyada oo qudha ayaa leh. Somaliland marnaba ma aqbalayso Somaliweyn inta ay kala shaqaysato dabadeedna la isku adeegsado oo la isku baaba’sho sidii ka dhacday Somaliland sannadihii 1980s. Somaliweyn ma wada laha Somaliland sida aan Somaliweyn u wada lahayn Jabuuti, Kilinka 5aad ee Somalida Itoobiya iyo Somalida Waqooyi Bari Kenya. Ummadda Somaliland oo qudha ayaa leh dalkeeda iyo dawladnimadeeda.

 

Somalia oo qudha ayaa maanta noqotay raq aan la kala lahayn oo 5ta Somaliyeed u soo boob takaan iyaga oo ku soo gabbanaya labada figradood ee kala ah: “Muqdisho Waa Hooyadii Somaliyeed” iyo “Somaliweyn” taas oo la mid ah maanta “Carabweyn” oo aan midna la garanayn samanka ay hirgelidoonto iyo in kale. Dadka Somalia waxaa laga faramaroojiyay dalkoodii iyo dawladnimadoodii oo loo loogay 5ta Somaliyeed oo aan waxba wada lahayn. Haddii Somalia dadkeedu xukumi lahaa oo ay isku tashan lahaayeen iskana xorrayn lahaayeen hugun Somaliweyn ee aan u soo socon balse hoosaasinaya, mar hore ayay Shabaab ka adkaan lahaayeen, shisheeyaha iska saarilahaayeen, dalkooduna hagaagilahaa.

 

GUNAANADKA SHURUUDAHA WADA-HADALLADA

Xubnaha Guddiga Somalia ku matalaya ugana qaybgelya wadahadalada dhexmaraya Somaliland iyo Somalia waa inay noqdaan xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha asalka ah ee Somalia halka Xubnaha Guddiga Somaliland matalaya iyagana laga rabo inay noqdaan xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha asalka ah ee Somaliland .

 

Haddii Somalia ay xubnaheeda wadahadalada ku soo darsato xubno u dhashay ama ka soojeeda beelaha Somaliland taas macnaheedu waxaa uu noqonkaraan inay maleegayaan khiyaamo aan u soconayn amaba aanay daacad ka ahayn wadahadalada taas oo keenaysa inaan wax wadahadal ah dhicin.

 

Madaxweynaha Somalia waxaa uu dhawaan magacaabay xubno wadahadalo oo ay ka buuxaan dad u dhashay Somaliland sida wadahadaladu dhexmarayaan Somaliland iyo Somaliland. Xukuumadda Somaliland waa inay si rasmi ah u qaadacdaa wadahadal kasta oo ay Somalia xubnaheeda wadahadalka uga qaybgelaya ku soo darsato xubno u dhashay: Somaliland, Jabuuti, Kilinka 5aad ee Somalida Itoobiya iyo Gobolka Somalida Kenya.

 

Wada-hadal kasta waa inuu dhexmaraa dadka u dhashay Somaliland iyo dadka u dhashay Somalia oo qudha maadaama ay yihiin labadii is-raacay 1960 dabadeedna kala noqday 1991.

 

Waa adkaandoontaa in nidaamka maanta ka jira Somalia oo sida muuqata haya jidkii Siyaad Barre ee Kelitalisnimada uu la yimaado wadahadalo uu daacad ka yahay oo midho dhala.

 

Ibrahim Hassan Gagale
July 17, 2019