Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Arbacada furmaya iyo Wargelin muhiim ah

 

Hargeysa (SLpost)- Shirka 7aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa loo muddeeyey inuu magaalada Hargeysa ka furmo 28-ka bishan October 2020-ka oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee todobaadkan.

Qoraal wargelin ah oo Jimcaha maanta ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuna saxeexan yahay guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Axmed Cabdi Dheere, ayaa lagu sheegay in maalinta Axadda ee toddobaadkan la shaacin doono liiska kama-dambaysta ah ee Xubnaha Golaha Dhexe, kuwaas oo loo samayn doono waraaqaha Aqoonsiga ah.

Waxa kale oo qoraalka lagu wargeliyey in xubnaha Golaha Dhexe ee ku soo baxa liiska kama-dambaysta ah ee maalinta Axadda la shaacin doono ay u diyaar-garoobaan qaadashada waraaqaha Aqoonsiga ah, ka hor inta aanu furmin shirka Golaha Dhexe.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpostnet