Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo Kulan Albaabadu u xidhan yihiin Isaga Beer-xaadhay Khilaaf-siyaasadeed oo Isku-duubnaantooda Kala Irdheeyey

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa kulan saacado qaatay oo shalay ku dhex-maray Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa ku soo afjaray khilaaf dhawaanahan u dhexeeyey oo ka dhashay Isku-shaandhayn Guddi-hoosaadyada Golahaas bishii hore lagu sameeyey oo ay ka soo hor-jeesteen Guddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee Wakiillada oo Xisbiga Kulmiye ka tirsan.

Ismaan-dhaafka oo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo dhinac ah, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad Md. Cali Yuusuf Axmed oo isku dhinac ah, iyaga oo labada Guddoomiye ku-xigeen ka soo hor-jeestay, isla markaana Xeer-jebin iyo sharci-darro hore ugu tilmaamay isku-shaandhayn ay markii hore qayb ka ahaayeen oo uu Guddoomiye Cirro ku sameeyey Guddi-hoosaadyada Golaha, kuwaasoo ay isku-shaandhayntooda ku sheegeen inaanay sharciga waafaqsanayn, isla markaana aanay wax jira noqon doonin, ka dib Labada Guddoomiye ku-xigeen oo Xisbiga Kulmiye ka tirsani ay taageereen dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo xukuumaddu ka dhex bilowday Golaha Wakiillada isla markaana lagu qorsheeyey in meesha laga saaro Guddoomiye Cirro.

Shirguddoonka-Golaha-Wakiillada
KA BILOW BIDIX: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Md Baashe M. Faarax, Guddoomiye Cirro iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Md Cali Yuuuf

Balse, Guddoomiye Cirro ayaa geestiisa ku dooday inay isku-shandhayntaasi tahay mid sharci ah oo Xeer-hoosaadka Goluhu oggolyahay, kelina aanay ku ahayn ee ay labadiisa ku xigeen qayb ka ahaayeen go’aanka lagu gaadhay isku-shaandhaynta, sidaasna ay sharci hirgelay oo aan laga noqonayn u tahay, waxaanay doodahaasi dibedda u soo saareen khilaafka Shir-guddoonka isku-shaandhayntaasi ka dhex curisay iyaga iyo weliba Xisbiyada ay ka soo kala jeedaan ee WADDANI iyo KULMIYE oo sidoo kalena saamaysay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo kala jeeda labadaas Xisbi.

Haddaba, tan iyo markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu dalka ku soo laabtay toddobaadkii hore waxa socday kulamo is-daba-jooga iyo shirar-doceedyo  kala gaar-gaar ah oo u socday Saddexda Xubnood ee Shir-guddoonka Golaha Wakiillada oo la xidhiidha turxaan-bixinta iyo isu-soo-dhawaynta hoggaanka Golahaas ee iska hor-yimi, waxaana ugu dambeeyey kulammadaas shir ay shalay saddexdaa Xubnood ku yeesheen Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo ahaa kulan qado ah, isla markaana saacado badan qaatay, ayaan warbaahinta loo oggolaannin, isla markaana aanu jirin war rasmi ah oo ay Xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiilladu ka soo saareen, hase-yeeshee, sida ay xaqiijiyeen ila-wareedyo shirkaas ka ag-dhawaa, waxa si aad ah la isugu soo dhaweeyey Shirguddoonka, kuwaasoo dhinac waliba ku qancay waxyaabaha la isugu soo dhaweeyey sida la sheegay.

Inkasta oo aannu isku-daynay inaannu Shirguddoonnka nuxurka kulankaas iyo waxa lagaga wadahadlay wax ka weydiinno haddana noomay suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii ay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan shirkaas iyo waxa ka soo baxay ama la iskula gaadhay. Hase-yeeshee, ila-wareeyadu waxay intaa ku dareen in labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dhinac ahi is-hor-fadhiisteen, isla markaana wax badan lagu rogrogay kulankaas.

Warku waxa uu intaa ku daray in labada dhinac isla af-garteen in wixii sharci ah sharcinnimadooda loo daayo oo aan laga eegin dhinaca danaha siyaasadeed. Sidoo kale, waxay ila-wareedyadu tibaaxeen in ay isla qaateen, inaanu hoggaanka Goluhu qaybsamin, isla markaana wax kasta oo khilaaf Golaha iyo Mudanayaasha Wakiillada saamayn taban ku yeelan kara ay ka dheeraadaan Shirguddoon ahaan, Guddiyada isku-shaandhayntooda khilaafku ku curtayna sidaa la isugu shaandheeyey loo daayo maaddaama oo sharciga iyo Xeer-hoosaadka Goluhu oggol yahay.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulankaa la iskula qaatay inay Shir-guddoonku si wada-jir ah u hoggaamiyaan Golaha iyaga oo aanu wax khilaaf ah iyo wax turxaan ah oo u dhaxaysaa jirin ee ay isu laab-xaadhan yihiin, taasoo la sheegay inay saddexda Xubnood ee Shir-guddoonku soo dhaweeyeen, isla markaana isla qaateen, wax kasta oo ay kala tabanayaanna lagu dhammeeyo wadahadal iyo isu-tanaasul, iyaga oo aan warbaahinta waxba isu marinnin.

Waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay saddexda Xubnood ee Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ay si wada-jir ah u shaaciyaan natiijada kulammada iyo wadahadalka dhex-maray iyo weliba waxa ka soo baxay ee ay ku heshiiyeen ama isku af-garteen, warkaas oo inta badan Bulshada iyo Saxaafadduba u dheg-taagayaan.

SOMALILANDPOST.NET