Shiinaha oo Ciidamo iyo Hub culculus dhoobay gobolka Muslimiinta Dalkiisa

Xinjiang (SLpost): Xukuumadda Shiinaha ayaa ciiddamo dheeraad ah u dirtay gobolka Muslimiinta ugu badan dalkaasi ku dhaqan yihiin ee Xinjiang oo ku yaala galbeedka dalkaas, kuwaas oo aan la garanayn sababta xiligan keentay iyo ujeedada xukuumadda Shiinuhu ka leedahay talaabadaa duulaanka u muuqatay.

Masuul u hadlay ciidamada qalabka sida ee dalkaas ayaa sheegay in ciidamadan ujeedada loo diray tahay in laga hor tago rabshado kale oo gobolkaas ka soo cusboonaada. Bilihii July iyo August ee sanadkii hore ayay gobolkaas ka dhaceen qul qulatooyin iyo rabshado dhex maray ciiddamadda ammaanka iyo dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolkaas, halkaas oo tira badan oo dad rayid ahii ku nafwaayeen.

Sida ay ku warantay jariiradda Chiana oo ah wargeys afka ciidamadda ku hadla waxa gobolka Xinjiang gaadhay gaaska lagu magacaabo shabeeladda barafka “Snow Leopard” kuwaas oo wata dabaabaddo iyo hub culculus waxaana la dejiyay magaaladda Aksu oo 460-km u jirta magaaladda Kashgar ee caasimadda gobolkaas.

Degaanka Aksu wuxuu xudun u ahaa rabshadihii sanadkii hore ay ku dhinteen 21-ka qof ee rayidka ah iyo tiro ciidamadda dalka Shiinaha ka tirsan. Sida jariiradu sheegtay ciidamaddan ayaa shaqadoodu noqon doontaa ilaalinta jidadka iyo goobaha muhiim ah ee degaankaas.

Hawl galkan ciidamaddu ka bilaabeen gobolkaas ayaa ku soo beegantay todobaadyo yar ka hor marka la qaban doono carwada ganacsiga ee dalka Shiinaha oo lagu soo bandhigi doono wax soo saarka Shiinaha bisha September ee fooda inagu soo haysa kaas oo lagu wado inuu ka dhaco gobolka galbeedka Shiinaha ee maamul hoosaadka gaarka ah leh.

Dawladda Shiinaha ayaa la sheegay inay qorshaynayso sidii loo cabudhin lahaa kacdoon dadka Muslimiinta dalkaasi ay sameeyaan, waana taas sababta keentay in xoojin iyo ciiddamo dheeraad ah loo diro magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka Muslimiintu ku dhaqan yihiin ee dalkaas gaar ahaan magaalooyinka ​​Kashgar iyo Hotan.

Gobolka Xinjiang oo dadka ku dhaqani muslimiin yihiin wuxuu xuduud dheer la leeyahay dalal badan oo badhtamaha Qaaradda Eeshiya ka tirsan, waxaana gobolkaa ka taagan colaad wayn oo u dhaxaysa dadka muslimiinta ee asal ahaan gobolka leh oo tiradoodu dhan tahay 3.8-milyan iyo dadka Uighur-ka ah oo Shiine gobolkaas la dajiyay ah, waxaana mar walba gobolkaas ka dhaca dagaalo iyo rabshado dhex mara labadaa qoomiyadood.