Shidaal Qodista iyo Deegaanka

“Dhibaato hor leh oo soo wajahday kala duwanaanshaha Noolaha”

Afeef

In kasta oo aan u badheedhey in aan iftiimiyo wixii Allah iga garansiiyo hadana waxaan ka sii afeefanayaa in aanan ahayn nin isu qaatey mid sida ugu haboon u soo gudbin kara dhibaatada ka dhalan karta hadii kaladuwnaanshaha noolaha waxyeelo ku timaado ama uu hoos u dhac  soo wajaho (Biodiversity Loss ) ,waxa kale oo muhiim ah in aan cadeeyo in wixii  I seega ama aan baal maro  aan  eediisa leeyahay  wixii aan haleelana Ilaahay ayaa igaran siiyey oo mahadiisa leh.

Hordhac

Waxa la la aaminsan yahay in kala duwanaashuhu uu yahay sharciga dabeecada deegaanka “ Variation is the law of nature”.Aad bay u adag tahay in laga sheekeeyo ama la soo kobo muhiimada iyo qiimaha uu kaladuwanaanshaha nooluhu u leeyahay Jiritaanka nolosha.

Maqaalkan miisaankiisa leh waxa aan ugu talo galay in aan kaga hadlo xidhiidhka ka dhaxeeya hoos u dhaca ku yimaada kaladuwanaanshaha noolaha  iyo horumarka binu aadamka sameeyo,waxa kale oo aan iftiimin doonaa dhibaatada iyo burburka ay gaadhsiin karto hadii si aan ka fiirsi lahayn looga bilaabo arimo ku lidi ah kana soo horjeeda nolosha kaladuwnaanshaha noolaha deegaanka ay ku nool yihiin iyo sida ay waxyeelo u gaadhsiin karaan meertada nolosha ,dhibta ka soo gaadhi karta Binu Aadamka xag dhaqaale , xag caafimaad iyo hoos u dhac ku yimaada tayadda Deegaanka.

Inta aanan u galin waxyaabihii igu dhaliyey in aan qoro maqaalkan miisaanka leh waxa aan isku dayi doonaa bal in aan iftiimiyo  waxa uu yahay kala duwanaashaha nooluhu iyo sida uu ku yahay Deegaanka Somaliland ,inta xayawaan ee ilaa hada daraasaduhu sheegayaan in ay ku nool yihiin dhulkeena Somaliland, kuwa aynu aduunka la wadaagno iyo kuwa inaga uun gaarka inoo ah isla markaana aan deegaan kale ama dhul kale oo aduunka ah laga soo helayn ( endemic species ).

Kala Duwanaanshaha Noole Muxuu Yahay?

Sida ka muuqata magaca waa laba kalmadood oo la isku xidho isla markaana sheega macno guud “kala duwanaanshaha Noole “ waxa loo kala qaadaa “Kala duwanaan” iyo “Noole” waxaanay tilmaamaysaa sida ay u kala gedisan yihiin noolayaashu  xaga jinsiga oo ah dhirta iyo xayawaanka.

Magaca kaladuwanaanshaha noole waxa markii ugu horeysay la adeegsaday  sanadkii 1985 waxaana isticmaalkiisu lagu arkey saxaafada iyo daraasadaha sayniska laga sameeyo sanadkii  1990 kii .

Dhirta ,xayawaanka yar yar ee ili ma aragteyga ah ,xayawaanadda faraha badan ee kala duwan ,xayawaanadda badda ku nool kuwaas oo mid kastaa ka kooban yahay jinsiyo kala duwan isla markaana ku kala nool sabooyin kala gedisan ,sida Saxaraha ,Dhulka Keymoleyda ah ,Dhulka Buuraha ah ,biyaha Bada iyo kuwa bariga ah iyo  hawadda dhex deeda ayaa waxay sameeyaan wax la yidhaa kala duwanaanshaha noole “ Biodiversity “.

Deegaan kasta oo aduunka ahi wuxuu leeyahay kaladuwanaansho nololeed ,waxaana laga helayaa nooleyaal kala gedisan isla markaana kala jinsi ah ama isku jinsi ah oo si dadban ama si toos ah isugu xidhan.

Hadii aanu jirin kala duwanaansho nololeed jiritaanka nolosha aagaas way kala dhantaalan tahay.

Kala duwanaanshaha nooluhu wuxuu fududeeyaa in la fahmo isla markaana la dareemo hadba sida uu deegaanku isu badelay. Tusaale ahaan hadii ay abaaro (Droughts) jiraan waxa jira xayawaano la yaqaano oo aan xiliga abaarta la arag waxana ka mida xayawaanka la yidhaa Raha oo la arko xiliga gu,ga isagoo markaa lagu tilmaamo astaanta guga ,sidaas oo ay tahayna waa muhiim  in aad looga taxadiro wax kasta oo waxyeelo ama burburin u gaysanaya.

Waxa la aaminsan yahay in 5 ilaa 30 milyan oo jinsi noole ah, isla markaana kala duwan ay dhulka guud kiisa ku sugan yihiin,waxaana ilaa hada la ogaadey  1.5 milyan nooc oo noole ah.

Tirade intaa le,eg waxa cilmi-baadhayaashu leeyhiin 300,000  oo jinsi waa dhir ,10 millyan na waa cayayaan in kasta oo wali la aaminsan yahay in 5 milyan oo cayayaan ah ilaa hada la ogaadey.

Waxa jira waxyaabo waxyeelo u gaysta hoos u dhacna ku keena habka nolosha ee kaladuwanaansha noolaha ,waxaana ugu waaweyn waxyaabahan:-

  1. Hoyga oo ka burbura.

Waxaana keena waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo binu aadamku ,waxa kale oo keeni kara isbadel Ilaah keen ah ama xaaladaha khatarta ah ee masiibooyinka dabiiciga ah oo ku yimaada deegaanka sida ,daadadka iyo fatahaadaha oo burbur gaadhsiiya ,abaaraha ,keymaha dabku qabsado,fuulkaana iyo dhul gariirka  ,dhamaantoodna waxay waxyeeleeyaan sabooyinka nooluhu ku nool yahay ,in kasta oo binu aadamku aanu maamulin xaaladahaas aan kor ku soo xusay hadana waxa la aaminsan yahay in uu lug ku leeyahay in ay xaaladaha qaar ka mid ahi deg deg isu badelaan.

  1. Waxyaabaha kale ee hoos u dhiga waxa sidoo kale kamida ugaadhsiga nooc ka mida noolaha sida duur-joogta oo kale .

Waxa la ogyahay in ay meesha ka baxeen jinsiyaal kala duwan oo dunida ku noolaa kadib markii iyaga si gaar ah loo ugaadhsaday, qaar kale badanina ay hada gabaabsi yihiin ama ay u dhaw yihiin in ay dabar go,aan aduunka oo dhana laga waayo.

  1. Sidoo kale waxa hoos u dhiga isbadelada uu abuuro ina Aadam oo saameyn toos ah ku yeesha nolosha iyo jiritaanka dambe ee kaladuwanaanshaha noolaha isbadeladaas oo noqon kara in uu qashin faro badan ku qubo goobaha ama hoyga noolaha, taasi oo keenaysa in nooleyaal badani waayaan meel ay u hoydaan iyo meel ay ku tarmaan labadaba.

Kala duwanaanshaha noole waxa uu qof kasta oo dunida ku sugan siiyaa taageero toos ah oo noloshiisana saameyn wayn ku leh,taageeradaasi ama si toos ah ha kuu soo gaadho ama si dadban bee waa mid  aan la,aantii suuro gal noqon Karin loona baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho.

Waxa ka mida:-

  1. Sugidda Illaha ay biyuhu ka yimaadaan

Nolosha oo dhan waxay ku tiirsan tahay biyaha ,sidaas daraadeed dhirta oo kamida waxyaabaha ugu badan ee sababa kala duwanaanshaha nooluhu waxay qayb laxaad ,leh ka qaataan xoojinta in si fudud biyo looga helo meelaha ay ku badan tahay dhirtu.

Waxay sidoo kale ka qayb qaadataa sifaynta tayadda biyaha iyo caro joojinta oo waxay diidaa in ciidu maydhanto oo uu ku dhaco caro-guur,waxay sidoo kale taageertaa noolaha kale isla markaana waxay  hoy u tahay nooleyaasha kale ee Binu Aadamku ka manaafacaadsado.

  1. Badbaadinta nolosha noolaha kale

Kala duwanaanshaha nooluhu wuxuu qayb libaax leh ka qaataa caafimaad qabka nolosha ka jirta deegaanka iyo nooleyaasha ku dhex sugan hanaanka isku tiirsanaanta ee  dabeecada aagaas.

Tusaale :-

Xayawaanka  la yidhaa Caaradu waa noole yar oo ka mida noolaha inta badan ugu wax-qabadka liita sida Ilaahay quraankiisa ku sheegay ,hadana door muhiim ah ayey nolosha noolaha kale ka ciyaartaa ,Cilmi-baadhis ayaa cadaysay hadii aanay caaradu jiri lahayn in ay adkaan lahayd jiritaanka dhirtu ,sidaad ogsoon tahayba  Caaradu waxay sameysaa shabaq ay wixii u soo gala ka dhigato cunto ay quudato oo ay ku noolaato ,shabaqaas waxa soo gala xayawaano kala duwan sida Duqsiga ,Cayayaanka kale ee duula iyo qudhaan jada.

Hadaba waxaynu ognahay in ay Qudhaanjadu aad u cunto caleemaha dhirta waxa kale oo aynu ognahay in ay dhirtu cuntadeeda ku diyaariso caleenta, la,aanteedna aanay noolaan Karin noocyo badan oo dhirta ka mida ahi.Sidaas daraadeed Caaradu waxay xakamaysaa dhibaatada ay qudhaanjadu u gaysato caleemaha dhirta.

  1. Kobcinta iyo kor u qaadinsta Wax-soosaarka Saraca Beeraha

Kala duwanaanshaha noole la,aantii wax sarac ahi kama soo go,een beeraheena iyo dhulka kaleba.Waxa jira nooleyaal yar yar oo ku jira ciida isla markaana qayb libaaxleh ka qaata nafaqaynta ciida ,hadii aanay ciidu nafaqo helina wax midho ah oo dhulka ka soo baxaya ma jiro.hadaba hadii ay dhibaato soo gaadho noolaha yar yar ee ciida ku jira wax midho ah ama daaq ah ama dhir ah oo meesha ka soo baxayaa ma jiri doono ,goobtaasina waxay isku badeli doontaa dhul dhintey oo aan aayo lahayn (Bad Land ).

  1. Isku dheelitirka fayo qabka deegaanka

Suureyso hadii aanay jirin wax qudhmiyaa bakhtiga xoolaha oo xoolihii kal sadexaad dhintey ay wali sidoodii u yaalaan,sow may dhacdeen in la waayo meel laga maro qashinkooda … jawaabtu waxay noqonaysaa haa waa la dhibsan lahaa .sidaas oo ay tahayna hadii khalkhal yari kuyimaado nidaamka ay u nooshahay bakteeriyadu iyadana waxa imanaysa in ay dhaawac weyn u gaysato caafimaadka bulshadeena.

Sidoo kale Bakteeriyadu  waxtar wayn ayey u tahay nolosha noole yaal badan oo ay kamid tahay dhirtu ,waxay sameysaa in caleemaha iyo hadhaaga ka soo hadha dhirta dhimatey ay burburiso isla markaana ciida ku darto oo ay nafaqo noqdaan. Hadii ay meesha ka baxdo ama ay ku badato ama khalkhal kale oo saameyn nolosheeda ku keenaa  dhaco, waxa dhici karta dhibaato weyn oo aanu binu aadamku maareyn Karin.

  1. Duur-joogta

Nooc kasta oo kamid ah habar-dugaaga ama guud ahaan duur-joogta ku sugan dalkeenu waxa uu ka qayb qayb qaataa miisaamida iyo isku dheelitirka jiritaanka noolaha kale .

Waxa cilmi-baadhisyo badan oo caalamka laga sameeyey lagu ogaadey in hadii mid ka mid ah jinsiga noolaha ah ee deegaanka ku sugani uu meesha ka baxo ay saameyn ku yeelanayso habka silsiladda cuntada ee ay ku nool yihiin Allah (sw) na uu ugu talo galey.

Waxaana dhici karta in mid ka mid ah noolahaasi ku bato deegaanka isla mar kaana khasaare u gaysto nolosha kuwa kale  ugu dambayna saameyn ay ku yeelato isaga.

Waxaana dhici karta sida la aaminsanyahay in deegaankaas ay la soo gudboonaato masiibooyin aanu hore u lahaan jirin.

Deegaanka Somaliland iyo Kaladuwanaanshaha Noole

Somaliland wallow aanay ahayn hada wadan dunida inteeda kale laga aqoonsaday walina uu kamid yahay wadankii hore la isugu odhan jiray Somaliya waxa lagu tilmaamaa goboladiisa Bariga iyo galbeedka in ay yihiin meelo ay aad ugu badantahay Kaladuwanaanta nooluhu ee Bariga Afrika.

Waxa la tilmaamaa in deegaanka somalidu degto ay leeyihiin noolayaal dhif u ah {gaar } deegaankooda oo qudha oo aan meel kale oo aduunka ah laga soo heli Karin.

Gobolada loo badiyo isla markaana lagu xusay in ay ku nool yihiin badankooduna waxa kamida kuwa Somaliland.

Waxa la sheegaa in laga helo nooleyaal kala wada jinsi duwan oo mid kastana muhiim u yahay nolosha iyo jiritaanka deegaanka uu ku sugan yahay.

Dhulkan Somaliland waxa lagu tilmaamaa dhulkii uduga (The Land of Punt ) mudo qarniyaal aad u badana waxa xidhiidh toos ah la lahaa Masaaridii hore .

Masaaridii hore waxyaabaha ay u soo doonan jireen dhulkeena waxaa kamid ah geedka Beeyadda iyo fooxa oo aan meel kale oo dhulka somalidu degto laga helin isla markaana aduunka ku yar { dhif }.

Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada aadka ugu hodanka ah kaladuwanaanshaha noolaha ee Geeska Afrika.

Daraasado la sameey intii gumaystuhu haystey iyo wixii ka dambeeyey ee kacaankii la isku odhan jiray Somaliya ee labada wadan ku midoobeen ayaana arintan ka markhaati kacaya sida ay hubaal u tahay in gobolada waqooyi  (Somaliland)  ay hodan ugu yihiin kaladuwanaansho noole oo aad u tiro badan.

Guud ahaan dhirta noocyadeeda kala duwan ee Somaliland lagu sheegay iyadoo la wadaagta wadanka Somaliyana waxay dhan yihiin 5000 oo nooc  halka 2750  ay gaar u  yihiin deegaanka somaliland oo kaliya .

Xayawaanada loo yaqaan xamaaratada waxa la qiyaasaa in ay ku nool yihiin tiro lagu qiyaasay 285 nooc .waxa wadanka somaliland u gaar ah tiro dhan 93 .xayawaanada beerka ku siqa waxa la sheegayaa inay tiro laqu qiyaasay 30 nooc ku nool yihiin deegaanka ,sidoo kale waxa wadanka u gaar ah oo aan meel kale laga helayn 6 nooc oo ka mida noolahaas.

Shimbiraha wadanka ku nool waxa la qiyaasaa tiro dhan  697 waxa wadanka ugaar ah tiro lagu qiyaasay 24  oo meel kale oo aduunka ah aan laga soo helayn .

Dhinaca xayawaanada ku nool badda waxa la qiyaasayaa in ay aad u noocyo badan yihiin balse tirade ilaa hada la hayaa waxa weeyaan 100 nooc oo nooleyaal kala duwan oo isugu jira kaluun iyo dhigiisa kale ee biyaha badda kula nool ,sidoo kalena waxa deegaanka badda Somaliland u gaar ah 10 nooc oo ka mid ah jinsiyada xayawaanadaas.

Waxa jira nooleyaal tiro badan oo wali aan laga daahfurin tiradooda cayiman ee dalkan laga heli karo balse waxa la aaminsan yahay in dalkeena Somaliland uu yahay mid ku hodan ah dhinaca kaladuwanaanshaha noolaha dhulalka saxare u eekaha ah (Biodiversity hotspot ). Hadii mid ka mid ah nooleyaashaasi meesha ka baxo ama uu dabar go,ana waxa uu saameyn ku yeelanayaa dhamaan nooleyaasha kale ee deegaanka ku sugan iyo meertada nolosha, sidaas daraadeed waxa haboon in mar walba laga fikiro in aan lagu deg deign arimo waxyeelo gaadhsiin kara hoos u dhacna ku keeni kara habka ay u nool yihiin marka laga reebo masiibooyinka aanu Aadamuhu maamulkiisa haynin ee dabiiciga ah.

Sababta keentay in aan wax ka qoro Kala duwanaanshaha noolaha ?

Somalidaa ku maahmaahda  “ Nin walba halka bugtaa isagay bel beshaaye “,.Waxa runtii I galey dareen cabsiyeed isla markaasna wata murugo iyo muusanow ku kooban  naftayda oo kaliya ,aakhirkiina igu kalifey in aan afka gacanta ka qaado ,wixii igu jirayna aan banka soo dhigo , intiina aqoonyahanka ahna aan u tilmaamo halka I xanuunaysa si bal dawadeeda aad iigu raadisaan .

Shirkadda Genel Energy oo sanadihii ugu dambeeyey ka waday sahamin shidaal deegaano kamid ah Somaliland ayaa warbixin ay soo saartey waxa ay ku sheegtey in ay rajo cusub ka soo karodhay filashadii ahayd in shidaal laga helo deegaano Somaliland ka mida ,gaar ahaan kuwa ay sahaminta ka waday oo ah Deegaanka  Oodweyne iyo Boloog kale oo sumadiisu tahay 10b/13.

Waxay shirkadu sheegtey in ay warbixinteedani tahay mid hordhac ah laakiinse ay  soo saari doonto warbixinta oo rasmi ah bisha Maarij ee sanadkan aynu ku jirno ee 2016 iyadoo intaa sii raacisay in daraasadii lagu sameeyey qoyaanka oogada dhulka ee dufanka shidaalku ay muujinayso in ay soo baxaan natiijooyin muujinaya suurogalnimada in laga helo shidaal dhul baaxadiisa ay ku qiyaaseen 41 kun oo kilomitir isku wareeg ah.

Hadaba waxa muhiim ah   in aynu iswaydiino waa maxay saameynta uu shidaal laga soo saaro deegaanku ku yeelanayo Kaladuwanaanshaha noolaha hadii Genel warbixinteedu dhabowdo ,Sidee bay inoo saameynaysaa Dhaqaale ahaan ,Waxaynu filanayno suuro gal ma noqon karaa ,Miyeynu badhaadhi mise waynu lee,an?

Su,aalan iyo kuwo kale oo badani waxay ahaayeen kuwii igu kalifay in aan qalinka miciin bido , si aan fariinteyda ugu soo gudbiyo cid kasta oo ay saameyn ku yeelanayso ,qaylo dhaantii ugu horeysayna aan u diro.

Si aan u xaqiijiyo sugnaanshaha una helno jawaabo xaqiiqda ku saleysan waxaan soo qaadan doonaa wadan ka mid ah wadamada afrika kuyaal oo  ku hodan ahaa Kaladuwanaanshaha noolaha markii shidaalka laga bilaabay soo saaristiisa iyo wixii uu ka dhaxley.

Dalka Nigeria gobol ka mid ah gobaladiisa oo lagu magacaabo Niger Delta ,waxa uu ka mid yahay wadamada caalamka ugu hodansan Kaladuwanaanshaha noolaha ,waxa kale oo uu hodan ku ahaa Saliida(Shidaalka ),.Nigeria waxay badhtamihii sanadkii 1950 kii heshiis dhinaca shidaal qodista ah la saxeexatey shirkad shidaalka ka ka shaqaysa ee la yidhaa SHEL. Xiligaasi oo dadyowga reer Nigeria laga dhaadhiciyey in nimcada ku jirta gobolkaas hadii la soo saaro wadankoodu Barwaaqo gaadhayo balse aanay sidii ay filanayeen aanay u dhicin.

   Niger Delta, Nigeria

Gobolka Niger Delta,waxa uu ka mid yahay  Tobanka Gobol ugu badan Dhinaca Kaladuwanaanshaha noole ee aduunka.Gobolkan waxa uu hodan ku yahay waxyaabaha looga baahan yahay ama lagama maarmaanka u ah deegaan nololi ka suuro gasho waxaana ku nool 31 Milyan oo reer Nigeria ah ,waxa uu leeyahay  biyo fadhiisino dabiici ah oo kaluunku ku tarmo ,waxa kale oo uu hodan ku yahay keymoley dhiroon kala duwan laga helo dhirta ka baxda gobolkaa waxa ka mida dhirta loo yaqaano Mangrove ka.

Markii ugu horeysay  Taariikhda Gobolka ee ay la soo daristo burbur dhinaca deegaanka waxay ahayd markii Dawlada Nigeria iyo Shirkadda Shidaalka baadha ee SHEL ay isku afgarteen in shidaal laga soo saaro gobolkan oo ku hodan ah macdano badan oo ay ka mid tahay Petroolku wakhtigaas oo ku beegnayd dhamaadkii 1950 kii ilaa  1960 kii.

Wakhtigaas Wadanka Nigeria waxay isku qancisay in dalkeedu heli doono dhaqaalo badan oo uga yimaada soo saarista Shidaalka ,waxaanay ka dhago adaygtey dhawaqii uga imanayey bulshada ku dhaqan gobolka Niger Delta.

Lacag qadarkeeda lagu qiyaasay $600 oo milyan oo dollar ayaa rajo u ahayd dadka reer Nigeria gaar ahaana Dadyowga ka soo jeeda Gobolka Niger Delta ee shidaalka laga soo saarayo ,balse lacaagtaasi waxay noqotey mid lagu hungoobo oo aan sidii la filayey u soo bixin.

Dadka degan gobolkani waa dad dhaqan iyo dhaqaale  ahaan ba  60% ku tiirsan  Kheyraadka uu gobolkoodu hodanka ku yahay .

Dadyowgaas waxa lagu yaqaana Kaluumaysto taariikh dheer ku leh Nigeria sidoo kalena kheyraadka kale ee ay ku tiirsan yihiin waxaa ka mida Dhiroonka kala duwan ee gobolku kaga duwan yahay kuwa kale ee wadanka. Waxa kale oo ku dhaqnaa gobolkaasi xayawaano tiro badan oo aan meel kale oo wadanka ama aduunka kamid ahi la wadaagin (Endemic speceas)

Xiligii laga bilaabay shidaal soo saarista mudo kadib waxa dhacay dhaawicii ugu waynaa ee gaadha kheyraadkii uu gobolku lahaa ,Ilaa hada lama garan karo waxyaabaha sababay in shidaalku ku daato oo uu ku fataho qaybo badan oo ka mid ah dhulkii gobolka ee ciida nafaqada wanaagsan lahaa ,Laakiin waxa loo aanaynayaa  in markii la dhigayey Beebabka qaada shidaalka in ay jireen meelo liig samayn karayey  oo aan la hubsan ,waxa kale oo la tuhmayaa in ay daadashada sababtey Miridh ku yimid biraha shidaalka qaada oo aan la bedelin mudo badan dabadeedna ciidu ay cuntay markii dambana sababay in ay meelaha qaar sameeyaan dilaacyo waaweyn oo shidaalku ka qubto .

Waxaa isbadelay oo Dikhoobay Biyihii, Hawadii,Ciidii Nafaqada lahayd iyo dhamaan waxybaahihii aas aaska u ahaa noloshooda.dabadeedna arintani waxay dhalisay in dadkii ku dhaqnaa gobolku ay la soo daristo xaalad cabsi galisay caafimaadkooda kuna qasabtey in ay  joojiyaan  cunitaanka  kaluunka iyo wixii dhulka ka soo go,a, sidoo kalena cabaan biyaha sababo la xidhiidha caafimaad daro ka dhalatey Shidaalka waxyeeleeyey Dhulka.

Cilmi-baadhis ay sameeyeen Koox Reer Nigeria ah iyo Khubaro caalami ah oo takhasus u leh amuuraha Deegaanka sanadkii 2006 dii ayaa waxa ay ku sheegeen in dhacdada gobolkani tahay tii ugu xumayd abid ee soo saarista shidaalku ku keento deegaanka,waxa kale oo ay tilmaameen in aan aduunka hore looga arag dhibaatada noocan ah ee uu sababay shidaalka ku qubtey gobolkaasi  oo galaaftey nooleyaal kala duwan isla markaana dhaawac wayn gaadhsiiyey kala duwanaanshaha nolosha ee deegaanka ka jiray.

Hay, adda Barnaamijka Horumarinta ee Qaramadda Midoowey (UNDP), Warbixin ay soo saartey waxay ku sheegtey in dadyowga ku dhaqan gobolka Niger Delta ay la il-daran yihiin Saboolnimo, Shaqo la, aan, Maamul xumo, qalalaase iyo xasilooni daro.Waxa kale oo ay sheegtey in badi dadka gobolkaasi aanay haysan biyo nadiif ah oo ay cabaan sidoo kalena ma jiro wax daryeel caafimaad oo fiican.

Dadka Reer Niger Delta udub dhexaadka noloshoodu waxay ku xidhnayd kaladuwanaanshaha noolosha ee ka jirta gobolkaasi, ilaa maalintii ay soo baxday in dhibaato soo gaadhay deegaanka iyo hanaankii kaladuwnaansha noolaha waxa dadkaasi dareemayaan dhacdo raad murugo aan dhamaanayn maskaxdooda ku beertay oo walina taagan, isla wakhtigana aan maaro loo helin.

Niger Delta waxa la waayey xayawaano iyo noolayaal tiro badan oo uu dunideeda inteeda kale dheeraa, waxa meesha ka baxay kala badh kala duwanaanshihii noolaha ee gobalkaas ka jiray ,halka inta hadhayna aanay ka rooneyn.

Maanta dalka Nigeria wuxuu la tacaalayaa Saboolnimo intii hore ka badan oo soo food saartey dadka ku dhaqan gobolka Niger Delta ee saliida laga soo saaro.

Waxa waxyeeloobay oo qaar farabadan dabargo,ay  Xayawaano iyo dhir tiro badan oo uu dalka Nigeria  lahaa ka hor intii aan laga soo saarin Shidaalka.

Waxa sidoo kale la waayey meel uu maray Kaluunkii faraha badnaa ee kunoola Xeebaha Gobolka Niger Delta iyo biyo fadhiisinadda dabiiciga.

Waxa warwar badan laga muujinayaa sida ay suuro gal u tahay in laga nadiifiyo saliida gaadhey Dhulkii hodanka ku ahaa Caradda Nafaqada badan ,waxa ilaa imika lala tacaalayaa Cuduradii ka dilaacay Dhacdadaas.

Gabi ahaanba waxa waxba kama jiraan noqday rajadii ahayd in Nigeria ay hesho lacag qadarkeedu aad u badan yahay ,balse waxa lama filaan noqotey dhacdo aan la filayn laakiin dadka gobolku aanay soo dhawayn oo ahayd tolow maxaa dhalan doona hadii shidaal laga soo saaro ,Ma dhaqaalaha ayaa Kordhi doona Mise Waxyeelo ayaaa inoo iman doonta?

Nigeria siday imika qirayso waxay sheegaysaa in ay ka dhaxashey khasaare aan ka soo kabasho lahayn ,sababtoo ah waxay rumaysan yihiin isla markaana arkayaan in aan dhibaatadii saliida ilaa hada xal lagu sifeeyo loo helin ,Marka laga reebo in shirkadii dhaawacan gaadhsiisay lagu amray in ay magdhow siiso dadkii ku waxyeeloobay, sidoo kalena ay bilowdo mashaariic lagu horumarinayo deegaanka dhibta ay gaadhsiisay. Iyadoo arimuhu sidaas yihiin hadana Wali qaylo –dhaantu way ka soo yeedheysaa Gobolka Niger Delta.

Waxa la aaminsan yahay in korodhka sanadihii ugu dambeeyey ee shaqo la,aanta dalkaasi ka jirtaa sabab ay u tahay barakaca ku yimid reer Niger Delta oo gobolkoodii khasaare deegaan soo gaadhey.Waxa kale oo hada dalkaas ka jira mid ka mida Argagixisada Caalamku Faraha Ka taagay  “Boco Haram” oo iyaduna dab ku sii hurinaysa xaalada nabad galyo daro ee jirta.

Dhibaatooyinka saliida ku qubatey Gobolka Neger Delta hadii aan soo koobo waxa ka mid ah :

Saameynta  Xaga  Dhaqaalaha  ah

Markii ay tayadda Carrada ee gobolku hoos u dhacday dikhow badana ku yimid waxa sidoo kale hoos u dhac ku yimid wax soo saarkii gobolka oo 60% dadka gobolkaasi ay ku tiirsanaayeen .

Waxaa si deg deg ah u soo food saartey xaalad cunno yari ah ,sidoo kalena waxa sixir barar ku yimid waxoogaagii miciishada ahaa ee dadka qaarkii haysteen.

Dadka gobolkan degan waxay caan ku ahaayeen dad aan guur guurin ,maxaa yeelay waxay haysteen gobol hodan ku ah nimcooyin iyo kheyraad faro badan oo iyaga ku filan xilliyada sanadka oo dhan ( Gu ,iyo Jiilaalba ) . isbadelka xaalada ku timid gobolka iyo dadka oo aan ahayn qaar guur guura oo baad raadsada waxay keentey in dhaqaalaha gobolka yaalaa uu hoos u dhaco dhaafana xariiqa ugu hooseeya ee wax lagu qiimeeyo.Arintani waxay keentey jaha wareer dhaqaale  oo saameeya dhamaan bulshada gobolka degan ,waxaanay keentay in dadka reer Niger Delta ay ku qasbanaadaan in ay u guuraan meelo kale oo ka duwan xaalada xun ee gobolkooda soo food saartey, waxa shaqo  beelay dad tiro badan ,kaluumaysatadii iyo beeralaydii wax soo saarka ku hawlanaa kaalintoodii way banaanaatey ,maxaa yeelay baddii iyo barigiiba waxa ku habsaday dikhow aad iyo aad u khatar badan .( Bad Pollution ). Aakhirkiina saameyntu way balaadhatey oo waxay ku fiday dhamaan gobolada wadanka oo dhan .Sidoo kale waxa arintan isla badelay  dhaqankii iyo habkii soo jireenka ahaa ee bulshada Niger Delta.

Saameynta  Xaga  Kaladuwanaanshaha noolaha ah

Qodobka labaad ,sidii aan hore u soo sheegayba waxa uu gobolkani ku caan ahaa nooleyaal kale duwan oo qaar ka mid ah isaga gaar u yihiin meel kale oo aduunka ka midana aan laga heleyn .

Markii ay bilaabantay masiibadu (Saliida iyo Shidaalka) ,waxay ugu horeyn waxyeelo gaadhsiisay caraddii nafaqada lahayd , waxanay dhibaato badan gaadhey nooleyaal faro badan  sida dhirta noocyadeeda kale duwan ,daaqii cawskii iyo nooleyaasha ili-ma,aragteyga ah ee ka qayb qaata kobcinta nafaqada ciida .

Waxa burburey oo meesha ka baxay isla markaana dabar go,ay xayawaano si toos ah uga qayb qaadan jiray meertada cuntada ee  jirtey markaas.

Niger Delta hada waxa la iswaydiinayaa halkey mareen nooleyaal tiro badan oo uu ku hodan ku ahaa markii hore ,dhirta Mangrove ka ee ka bixijirtey goobo badan oo gobolkaasi hada hoos udhac wayn ayaa ku yimid ,nooleyaasha kale ee bada kujira ee uu ka mid yahay kaluunkuna qaar badan oo kamid ahi way lee,deen kuwo kalena hada ayey ku sugan yihiin xaalad laga dayrinayo ,caws gaabkii iyo dhirta kale ee ka baxda barigga qaar badan meesha way ka baxeen ( Dabar go,een )  inta kalena waxay la tacaalaysaa noloshoodii ,sababtoo ah waxa khalkhal ku dhacay nafaqadii carrada deegaanka ee markii hore aadka u dihinayd .

Waxaa ba hada la,aamin san yahay in meelo badan oo saliidu waxyeelo weyn gaadhsiisay aan dib wax dambe uga bixi doonin ,arinkan oo masiibo weyn ahi waxa uu saameyn ku yeeshay nidaamkii iyo Meertadii cuntada halka ugu hooseysa ilaa halka ugu sareysa .

Saameynta  Xaga  Caafimaadka ah

Waxa  cilmi-baadhis iyo daraasado badan lagu ogaadey in xanuuno cusub oo aan hore loo aqoon ka dilaaceen Gobolka Niger Delta markii saliidu ku qubatey .wakhtigaas wixii ka dambeeyeyna waxa sumoobay dad badan oo gobolka ku noolaa.

Koox Saynis yahano ah  oo ka socotey Jaamacada Logos ee dalka Nigeria ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen baadhitaan ay ku sameeyeen biyaha bada ,biyaha wabiga iyo meelaha kale ee biyo fadhiisinada dabiiciga ah ( Natural Wetland ) in ay uga soo baxday natiiyo  muujinaysa  in biyahaaisi ay ku jiraan Kimikalis aad halis ugu ah caafimaadka bulshada oo ay ka mid yihiin Maadooyinka  pyrene, iyo Mercury ,warbixin tooda waxay ku dareen in xadiga ay biyaha la cabo ugu jiri karaan uu ka badan  yahay ka ay soo saartey Hay,adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Aduunka ee WHO.

Warbixinta waxa sidoo kale ka muuqday in xataa aanu kaluunku ku noolaan Karin Maadoyinka qaar hadii ay ku faro bataan biyaha oo xadigoodu siyaado noqdo sida maadadda la yidhaa( Benzo pyrene ).

Waxa jirta saameyn caafimaad oo mustaqbalka ah inta badana laga dayrinayo waxa dhicidoona ,badanaaba marka ay  sumaha iyo maadooyinka caafimaadka dadka waxyeelaan ay la falgalaan caradda ,waxa la filayaa in  marka uu roobku da,o ay hoos u daadagaan kuna milmaan biyaha dhulka hoostiisa ( Underground water ) taasi oo keeni karta khatar caafimaad daro oo mustaqbalka ah ,sidoo kalena waxa jira maadooyinka qaar oo waxbadan ku jira caradda ama uu aad u dheer yahay fal galkooda kiimikaad laakiin wakhti dambe oo mustaqbalka ah falgal sameeya si aan la filayna caafimaadka dadka iyo duunyadaba waxyeelo ugu gaysta.

Gabogabo iyo Talo soo jeedin

Ugu dambayntii waxaan filayaa dhacdooyinkaa qadhaadh ee ka dhacay deegaankaasi in ay iino noqon karaan kuwo wax ku qaadasho mudan .

Waxa kale oo aan xusayaa in qof kastaaba is waydiin karo side lagu horumarinkaa dhaqaalaha wadankeena ,sababtoo ah ujeedada inagu kalifaysa in aynu shidaal soo saarnaa waa dhaqaalahu si uu kor ugu koco ,isku soo wada duuboo waxa muhiim ah in aynu Miisaanka saarno waxyeelada laga yaabo in ay ina soo gaadho mustaqbalka soo socda iyo  koboca dhaqaale ee u baahan in aynu kordhino sarena uga qaadno halku marayo ,waxa kale oo muhiim ah in aynu diirada saarno waxyaabaha badalka u noqon kara  (Alternatives ) ee aynu kaga gaashaamanayno dhibaatadaas waxyeelana aan gaadhsiinayn kaladuwanaanshaha noolaha inaga oo u eegayna hadba sida uu ficilka aynu qabanaynaa deegaanka saaxiib ula yahay ( Environmental Friendly Action ).

Ku xisaabtamida tiradda dadkeena iyo dhaqaalaha ku filan ee u baahan in la xoojiyo waa muhiim ,waxaan qabaa in hadii aynu kobcino wax soo saarka kheyraadka bada ku duugan  in bulshadeena ay kaafiyeyso ,sababta oo ah tirrada bulshadeena waxa lagu qiyaasaa waxaan 4 millyan dhamayn .

Fariinteydu waxa weeyi

 Ficil kasta oo iyo Talaabo kasta oo aynu qaadeyno kafiirsigeeda waa in aynu yeelanaa hadiiba aynu qaadnana ha ahaato mid Deegaanka la saaxiib ah

Allah Mahad Leh .

W/Q: Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan

Tixraac

  1. http://serc.carleton.edu/NAGTWorkshops/health/case_studies/bp_oil.html.
  2. http://environment.about.com/od/petroleum/a/oil_spills_and_environment.htm.
  3. Oil Production and Environmental Damage, Oil Production Cases Corbett Dabbs (December 1996)
  4. The Adverse Impacts of Oil Pollution on the Environment and Wellbeing of a Local Indigenous Community: The Experience of the Ogon,People of Nigeria Paper by LEGBORSI SARO PYAGBARA Nigeria AUGUST 27.-29, 2007.
  5. Negative Secondary Impacts from Oil and Gas Development (The Energy & Biodiversity Initiative).
  6. National Biodiversity Strategy and Action Plan Somalia April, 2015 (Draft).