Saldhiga magaalada Arabsiyo oo Gaadhi cusub uu ku wareejiyey wasiirka madaxtooyadu

Wasiirka Madaxtooyada

Hargeysa (SLpost) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta Baabuur cusub oo xaajiyad ah oo madaxweynaha Somaliland ugu deeqay ku wareejiyay saldhiga Booliska ee degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Wasiirka wasaarada Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu baabuurkan soo gaadhsiiyo saldhiga booliska ee Arabsiyo.

“Baabuurkani waa kii madaxweynuhu idiinku balan qaaday ee aad ka codsateen dhawaan mar uu socdaal ku yimid gobolka Gabiley, xukuumad ahaan dedaal ayaanu u galaynaa inaanu wax ka qabano baahiyaha aasaasiga ah,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyadda oo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxa kale oo xusid mudan in dayrkii xabaalaha Arabsiyo madaxweynuhu amar ka soo saaray oo la dhammeeyay mooskii lagu xidhayay xabaalaha Arabsiyo.”

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in gaadhigani uu wax wax weyn u tarayo ciidanka ka hawl-gala saldhiga booliska ee degmadda Arabsiyo. Waxaanu madaxda saldhigaasi u soo jeediyay inay ilaashadaan baabuurkan.

Taliyaha Boolisku waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland oo ciidanka Booliska ee saldhiga Arabsiyo ugu deeqay baabuurkan.

Somalilandpost

Hargeysa