“Saddexda Xisbi Wakhtigoodii Wuu Dhammaaday” – Prof Samatar iyo Ataash oo Soo Bandhigay Qorshe Siyaasadeed Cusub

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Hilaac Prof Axmed Ismaaciil Samatar iyo Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Waaber Cabdirisaaq Ibraahim Ataash ayaa maanta si wada-jir ah magaalada Hargeysa ugu qabtay shir-jaraa’id oo la dareemay in noociisu ku cusub yahay saaxadda siyaasadda Somaliland.

Labada guddoomiye waxa ay soo bandhigeen qorsheyaasha siyaasadeed ee urur-siyaasadeedyada Hilaac iyo Waaberi, waxaanay ku baaqeen inay qayb ka yihiin go’aan ka gaadhista aayaha siyaasadeed ee Somaliland.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadallada labada siyaasi.