Ruushka Oo Sheegay Inay Burbureen Macluumaadka Inta Badan Diyaaradii Turkigu Ka Riday

Ruushka(SLpost)-Militariga Ruushka ayaa sheegay in aanu wax macluumaad ah ka helin qalabkii duubayey macluumaadka dayuuraddii dagaal ee uu Turkigu bishii hore soo riday.

Sergei Bainetov oo ah madaxa badbaadada duulimaadyada militari ee Ruushka ayaa sheegay in 13 ka mid ah 16kii chip ee macluumaadka qabanayey ay burbureen, halka 3-da soo hortayna uu dhaawac soo gaaray.

Waxa uu sheegay in khubaradu ay isku dayeyso inay 3-daas chip macluumaadka ka soo saaraan, hase yeeshee ay wakhti dheer qaadanayso.Turkiga ayaa 24kii bishii November soo riday dayuuraddan oo nooceedu ahaa SU-24, xili ay ku duuleysay xuduudda Turkiga iyo Suuriya. Turkiga ayaa sheegay in hawadiisa lagu soo xadgudbay.

Soo rididda ayaa keentay dhimashada pilot-kii dayuuradda waday iyo askari isku dayey in uu isaga badbaadiyo.