“Ragga ku jira (Madasha) ee leh wax baannu toosinaynaa, waxaan leeyahay xisbigaaga (UCID) keen oo wax ha toosiyaan” – Axmed Y. Yaasiin

Ahmed_yassinHargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa siyaasiyiinta ku bahowday Madashada Wada-tashiga ugu baaqay inay saddexda xisbi Qaran ee dalka ka jira ku biiraan.

Axmed Yuusuf Yaasiin  oo u warramay telefishanka caalamiga ah ee HCTV, waxa uu guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ugu baaqay inuu siyaasiyiinta ay isku fekerka yihiin ee Madasha wada-tashiga ku bahooday uu boos uga banneeyo xisbigiisa.

“Waddanku doorashooyin buu galay, waxa lagu kala reebayay ururada u tartamayay, anigu berigaa waan ka soo horjeeday furitaanka ururada, oo colaad bay keenaysaa baan lahaa,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in saddexda Xisbi qaran ay metelaan dhammaan shacabak iyo goleyaasha dalka, cidkasta oo doonaysa inay wax toosisaana ka mid noqoto amma ku biiraan xisbiyada jira.  “Hadii marka hore la eego dadku saddexda xisbi bay ku dhanyihiin inay ku kala biiraan, cidii hadhayna inay ku biirto weeyaan, goleyaashuna saddexda xisbi bay ka soo baxaan, xisbiyada waxaan u sammaysanay wixi talo iyo toosin ah, waxaan ku talin lahaa ninkii waxmucraadidaya amma wax toosina saddexda xisbi ha ka mid noqdo, haddii kale waxay noqonaysaa dabo furan,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Xukuumaddii UDUB.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo la hadlayay Guddooomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Madasha wadatashiga, ayaa u soo jeediyay inuu xisbigiisa geeyo siyaasiyiinta madasha ay ku wada jiraan. “Ragga ku jira ee leh wax baannu toosinaynaa, waxaan leeyahay xisbigaaga (UCID) keen oo wax ha toosiyaan,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net