QIIMAYNTA DASTUURKA KULMIYE: Qaab-qoraalka qumman iyo qaab-dhaqmeedka qalloocan – By Boobe Yuusuf Ducaale

kulmiyeHordhac:

Waa maalmihii……Waa maalmaheedii…….Waa maalmihii Khamiisle-taraarka……Waa maalmihii isku-dul-liska…….Hadal-hayntan 9aad ayaa Qormooyin isu sii kala jiidaysa. Ha ka ambannina oo ha ka lumina…..Ma nala socotaan.

Aah! Tanina ma inoo dambeysay. Xisbi qabsan kari la’ Shirweynihiisii. Weliba Shirweynihii 3aad ah oo aan kii ugu horreeyay ahayn. Xisbi sheeganaya in uu laba iyo toban jirsaday. Waa sida aan habeen dhaweyd ka maqlayay Muuse Biixi oo Tv-ga ka hadlayay. Xisbi sheeganaya in uu hayo talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, xaqiiqadu se tahay in uu xukuumadda maanta talada haysa marti ku yahay oo ay Qurbo-joogga soo qamaamay uga talo iyo tamarba badan yihiin. Iyo dad aan soo joogin oo aan soo jirin iyo weliba dhawaan-xoolow dhandhamada sedka mooda, sidii Axmed ‘Genius’ u sheegay bishii ogos 6dii, 1984kii galabtii Jigjiga laga furayay Shirweynihii 4aad ee SNM.

Galabiba, galab ka tilmaaman e’, tuducyadii Maansadii Dhayalsi ee uu galabtaa Shirweynaha ku furay, waxa ku jiray:

“Ma dhurwaa I haystaan,

Ku beddeli dhurwaa kale,

Mise aniga dhiil-xoor,

Igamaba dhammaadoo,

Markii Dhahar la waayaba,

Dhiqlaa soo beddeli jiray,

Beeshayaduna Dhaantada,

Dhaqan bay u leedee,

Allow anu ku soo dhicin,

Mid kaloo dhabqinayaa,”

 

Waa tuducyo ilaa maantadaa aynu joogno taagan oo taabbo-gal ah. Weli waa aynu ducaysanaynaa. Oo maxaynu ka ducaysanaynaa? In aanu ku soo dhicin mid kale oo dhabqinayaa. Ama aanu ku soo dhicin mid hore u dhabqiyayba. Suugaantu waa taas. Markaas ayay xariir tahay oo aanay duugoobin.

Halgaamaagii waddaniga ahaa, Darwiishkii Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo af-maalna ahaa suugaanyahan ah, ayaa laga guntay:

“Haddii aanay luulidu kuu taxnayn, labacu waa been,”

Luuli waa suugaanta raandhiiska leh ee aan maalmaha, sannadaha iyo qarniyada midnaba ku tirmin. Labacu waa waxa aan waarin ee qosol-ku-jabka ah. Waa suugaanta rakhiiska ah ee maalin-la-noolka ah.

Sheekadii Kulmiye ku soo noqo. Marka la qiimaynayo, marka la diiwaan-gelinayo ama marka la falanqaynayaba Xisbiyada waxa laga abbaaraa: Barnaamajka Siyaasadeed iyo Xeerka ama Ddastuurkaba, hadba sida loo yaqaanno. Wixii soo raaca ee aasaasi lagu sheegaaba waa astaanta iyo calanka.

Maanta amba-baxeennu waa Dastuurka Xisbiga kulmiye oo aynu ku eegaynno ama ku dhudhuminaynno qaban-qaabada ay ugu jiraan shirweynahoodan qabsoomi la’. Ma maqasheen: “Waar abtow halkee ayay salaaddu ka xidhmi la’dahay.” Waxaynu isku dayaynaa in aunu abbaarno halka ay xaaladdan Kulmiye ka guntami la’dahay innaga oo u cuskanayna Dastuurkooda mar mar koobanna ku qalayn donna ama ku jar-jari donna Qodobbo ka mid ah Dastuurka Qaranka.

Qoraalka Dastuurku ma laha Hordhac tilmaamaya halka looga soo meydhax-diiray iyo illimaha looga arooray. Ha koobnaadoba, bal se waxay ahayd in ay Hordhac gaaban oo kooban u qoraan. Waa wax ka dhiman quruxdiisa iyo dhammaystirkiisaba.

Qacda hore eegmada Dastuurka Kulmiye oo ka kooban 35 bog waa mid awran oo aad u shilis. Waa Dastuur intiisa ku duq ah oo ku ash ah. Ilaahay ayaa dhammaansho u sugnaadeen. Ilaahay ayay Dastuurkiisa iyo axkaamtiisuba dhan yihiin. Wax aadame qorto ayaan dhammays noqon. Dastuur oo dhan ayaa qabyo ah, ka Kulmiyena kuwaas ayauu ka mid yahay oo mar walba waa la sii hagaajin karaa.

Nuqulka Dastuurkan Kulmiye ee aan ka hadlayaa waa kii wax-ka-beddelka lagu sameeyay 31/03/2008kii. Wuxu ka kooban yahay 63 qodob. Qaybta koowaad ayaa ku bilaabmaysa: Tilmaamaha Guud oo u sii kala baxaysa: Magaca Xisbiga, Astaanta Xisbiga, Calanka Xisbiga, Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Ujeeddooyinka Xisbiga, Dabeecadda Xisbiga, Luqadda Xisbiga, Dhaqaalaha Xisbiga, Xubinnimada Xisbiga, Aqbalaadda Xisbiga, Kala-noqoshada xubinnimada Xisbiga, Xuquuqda Xubinta, Waajibaadka Xubinta iyo Taageerayaasha Xisbiga.

Yaa salaam! Bilowga ka wanaagsan oo aad ka gasho Dastuur xisbi leeyahay miyaad garanaysaan. Haa, waa run oo qabyo waa ay ku jirtaa oo waa la sii hufi karayaa, bal se miyaanu ku fiicnayn Xisbi Somalilandi ah oo aan weli qaan-gaadhin.

Intaa marka aad ka durduurato oo lagu soo koobay 6 bog oo keliya ayaad gelaysaa Qaybta 2aad ee Dastuurka Xisbiga kulmiye oo ah Qaab-dhismeedka Xisbiga Kulmiye. Wuxu bilaabmayaa Qodobka: 1aad, Faqraddiisa B oo ah: Heer qaran. Laba ayay u sii kala baxdaa oo kala ah: Shirweynaha iyo Golaha Dhexe.  

LA SOCO………