Qabashada Doorashadii Rabshadaha Dhalisay Ee Burundi Oo Dib Loo Dhigay

Bujumbura, (SLpost)- Doorashadii Madaxwaynenimada ee dalka Burundi ayaa mar kale dib loo dhigay.Burundi

Doorashadaasi muranka dhalisay waxay ku soo beegmaysaa iyada oo ay jiraan rabshado sare u sii kacaya.

Afhayeenka madaxwaynaha Burundi Pierre Nkurunziza, oo lagu magacaabo Gervais Abayeho ayaa sheegay in doorashada la qaban doono 21-ka bishan July ee aynu ku jirno, kaddib markii ay sidaasi dalbadeen hogaamiyayaasheeda dalalka gobolku.

Nkurunziza markii saddexaad ee uu isa soo sharaxay waxaa hadheeyay dibad baxyo iyo waliba iskuday afgambi oo dhicisoobay.

Ciidammada iyo dad aan la aqoonsanin oo hubaysan ayaa isku dhacay oo ku dagaalamay gobolka Kayanza oo u dhaw xadka Rwanda jimcihii.

Waxa sidoo kale lagu soo waramayaa in bambaanooyin lagu tuuray qaybo ka mid ah caasimadda dalkaasi ee Bujumbura habeenimadii jimcihii.