Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ugu baxay gobollada Galbeedka dalka, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal iyo magaalooyinka dhinaca bari kaga teedsan.
Shacabka ku dhaqan magaalooyinka Dilla, Tulli, Goroyo-cawl iyo Boorama, ayaa si aan kala hadh-lahayn madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyey, waxana iyagoo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ay madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabileen dariiqyada kala duwan ee magaalooyinkaas.
Sidoo kale, markii uu madaxweynuhu gaadhay magaalada Boorama, waxa uu xadhigga ka jaray Buundada weyn ee isku xidha Jaamacadda Faca-weyn ee Cammuud iyo magaalada Boorama oo uu hore madaxweynuhu u dhagax dhigay.
Hormuudka Jaamacadda, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo Injineerrada gacanta ku hayey Buundada Cammuud oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee uu ugu guntaday inay buundadaasi dhammaato, waxaana ay hoosta ka xarriiqeen inay dhismaha Biriishkaasi uu fududeeyey isu socodkii ardayda ee Jaamacadda iyo magaalada oo markii hore dhib badani ka taagnayd muddana dheerna baahi u qabay inay mar uun haleen biriish ay kaga gudbaan doxa si ay waxbarashada jaamacada uga soo gaadhaan wakhtiyada roobabka.
To provide the best experience, we use technologies like cookies information. Consenting to these technologies will allow us to process data such as browsing behavior or unique IDs on this site. Not consenting or withdrawing consent, may adversely affect certain features and functions.
Functional
Always active
The technical storage or access is strictly necessary for the legitimate purpose of enabling the use of a specific service explicitly requested by the subscriber or user, or for the sole purpose of carrying out the transmission of a communication over an electronic communications network.
Preferences
The technical storage or access is necessary for the legitimate purpose of storing preferences that are not requested by the subscriber or user.
Statistics
The technical storage or access that is used exclusively for statistical purposes.The technical storage or access that is used exclusively for anonymous statistical purposes. Without a subpoena, voluntary compliance on the part of your Internet Service Provider, or additional records from a third party, information stored or retrieved for this purpose alone cannot usually be used to identify you.
Marketing
The technical storage or access is required to create user profiles to send advertising, or to track the user on a website or across several websites for similar marketing purposes.