Nuxurka Kulan Xaasaasi ah oo Dhexmaray Muuse Biixi iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ku bahoobay Madasha Wada-tashiga, ayaa maanta ka wada-hadlay khilaaf ka taagan xuska 30-guurada maalinta Shuhada SNM oo ku beegan 17-ka bishan ee Jimcaha Berri, taas oo xurguf ka dhex-dhalisay JImciyadda Mujaahidiinta ee SOOYAAL iyo shakhsiyaad ku abtirsada halgankii hubaysnaa ee dalka lagu xoreeyey.

Jimciyadda Mujaahidiinta ee SOOYAAL oo ay ku midaysan yihiin Mujaahidiintii ka soo qayb-qaadatay halgankii hubaysnaa ee dalka, ayaa sannad kasta soo qaban-qaabisa Xuska Munaasibadaha lagu weyneeyo Halgankii SNM iyo Mujaahidiintii dhiiggooda u huray dalka.

Nuxurka Kulan Xaasaasi ah oo Dhexmaray Muuse Biixi iyo Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigaSiyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo dhammaantood ah saraakiishii hoggaaminayey Halgankii hubaysnaa ee dalka, ayaa ka biyo-diiday go’aan shalay xukuumaddu ku horjoogsatay xaflad gaar ah oo Fanaanadda Sahra Halgan oo xuska munaasibadda u diyaarisay xaflad ay kaligeed soo qaban-qaabisay oo ugu talo-gashay inay ku qabato Hotel ay dhowaan ka samaysatay Magaalada Hargeysa.

Kulanka dhexmaray siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Guddoomiyaha Kulmiye oo warbaahinta dibad joog ka ahayd, waxa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii laga wada-hadlay iyo go’aamo ay isku heshiiyeen, Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac.

HALKAN GUJI OO KA DAAWO WARKA