Nuxurka Kulan Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Wefti ka socda Qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka ka caawiya

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada ayaa maanta la kulmay wefti ka socda safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi isla markaana ka tirsan Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka.

Weftigan oo uu hoggaaminayey u qayb-sanaha Somaliland iyo Somalia ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay Nairobi Mr Douglas Meurs, waxa ay socdaalkooda ku sababeeyeen mid ay xogogaal ugu noqonayaan heerka diyaar-garowga doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Waxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Daahir ‘Cukuse’ kaas oo u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Gelinkii hore xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka kooban 6 Xubnood oo uu hogaaminaayo ku xigeenka u qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaarada Nairobi ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs, kana socda Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada Somaliland.

Weftigan ayaa u jeedada Socdaalkooda ku sheegay inay tahay xogogaal u noqoshada iyo u kuur gelida halka ay marayso diyaar garowga Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso hawshaasi waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka dhamaatay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey kala saaridii Ururada.

Xukuumada oo Dhinaceeda Diyaarisay dhaqaalihii Saami ahaan ku soo hagaagay ee ku bixi lahaa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Baarlamaanka ka dhamaatay.

Waxaana imika hawshaa gacanta ku haya Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan, marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net