Nuxurka Khudbad madaxweynaha Somaliland u jeediyey Dufcaddii 10aad oo ka Qalin-jabiyey Jaamacadda Burco

 

Burco (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad loo qabtay 499-Arday Oo ka qalin-jabiyey Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Burco.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada ah, waxa ay farxadda qalin-jabintooda la wadaageen dufcaddii 10aad ee waxbarasho ka dhammeysta jaamacaddaas.

Munaasibadda qalinjebinta Jaamacadda Burco oo laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo Ardayda waxbaratay, islamarkaana loogu mahadnaqayo cid kasta oo kaalin kasoo qaadatay inay heerkan soo gaadhaan, ayaa sidoo kale ardayda loogu jeediyey dardaaran iyo wax sheeg la xidhiidha sidii ay ardaydaasi dalkooda iyo dadkoodaba horumarkiisa uga shaqayn lahaayeen.

Ugu horrayn guddoomiyaha Jaamacadda Burco, Dr. Ciise Nuur Liibaan, ayaa ku dheeraaday taariikhda jaamacadda Burco, isaga oo xusay inay Jaamacaddu guud ahaanba gobollada Bariga dalka u ibo-furtay horumar iyo aqoon, islamarkaana ay iyada lafteedu ballaadhatay oo ay kulliyadaheedu kordheen muddadii ay jireen.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, badhasabaabka gobolka Togdheer iyo maayarka Burco oo iyaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa si guud u bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxaba ay kula dardaarmeen inay sii wadaan dedaalka ay aqoontooda ku kobcinayaan, iyaga oo xasuusiyey inaanay waxbarashadu marnaba dhammaannin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyeeyey ardayda jaamacadda Burco ka ka baxday iyo ciddii gacan ka geysatay guushooda waxbarasho, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan hambalyeynayaa oo dhiirrigelinayaa waalidkii kusoo tabcsay oo duruufo adag qaarkood ardayda kusoo koriyey, waxa aan hambalyeynayaa Jaamacadda Burco ciddii dhiskeeda, fikirkeeda iyo taladeeda ka hawlgashay, waxa aan hambalyeynayaa macallimiintii iyo maamulka hawshaas qabtay ee ardayda halkaas soo gaadhsiiyey.”

Madaxweynuhu waxa uu ardayda kula dardaarmay inay aqoonta ay barteen geliyaan dalkooda oo ay shacabkooda u shaqeeyaan, isaga oo xasuusiyey in xil weyn oo qaran dusha ka fuulay, islamarkaana laga sugayo inay nafahooda iyo qarankoodaba horumariyaan.