Ninkii adduunka ugu da’da weynaa Inta La ogyahay oo ku geeriyooday Japan

world's oldest woman
Haweenayda Ugu da’da weyn Adduunka

Kyotango (SLpost)- Nin u dhashay dalka Japan oo loo aqoonsanaa ninka ugu da’ weyn aduunka wakhtigan inta laga warhayo, ayaa ku dhintay da’da 116 jir.

Jiroemon Kimura ayaa la sheegay inuu si caadi ah ugu dhintay arbacadii cusbitaanka  Kyotango, Kyoto, sida qoraal xukuumada lagu sheegay.

Bishii December, buuga dhacdooyinka aduunka ee Guinness World Records ayaa lagu qoray in  Mr Kimura noqday ninka ugu da’da weyn aduunka ee la xaqiijiyey.

Ninkaa ayaa la sheegay inuu dhalay todoba caruur ah, halka 14 awoowe u ahaa, 25 kale awoow labaad u ahaa, 13, awoowgii saddexaad.

Mr Kimura ayaa la sheegay inuu dhashay taariikhdu markay ahayd 19 April 1897.

Waxaanu shaqaale ka ahaan jiray xarunta boosaha ilaa hawgab uu ka noqday, isagoo qoyskiisa taageeri jiray ilaa markii da’diisu ahayd 90 jirka.

Ninkaa ayaa loo aqoonsaday ninka ugu cimri dheer aduunka bishi December, markii ninkii ugu horeeyey kaalinta auu geeryooday.

Raysal-wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa u soo diray muuqaal salaam ah markuu u dabaaldegayey sannadguuradiisii 116aad, 19 bishii April, ee sannadkan.

 Dhinaca kale, haweenay reer Japan ah oo la yidhaahdo  Misao Okawa una dhalatay magaalada Osaka, oo da’deeda tahay 115 ayaa dhaxli doonta kaalinta qofka ugu da’da weyn aduunka ee nool.