Goblamooyin waxay sheegayaan Guul-darriyo ciil’ ayaa abwaan laga wariyay. Guul-darro ka weyn oo aan maqlay ama wax igaga culus dagaalka laga soo wariyay magaalada Raaso ma jirto. Sidaas oo ay tahay, maanta qalinka uma qaadin inaan sida bilista u baroorto Jiidhkayga wadhan ee haadku hiigayo. Hadba meel iyo dhiiga qubanaya ‘haa ‘kugu dhimay oo kaa dhimay waa huq’ haddana, talo-xumo kasta oo jirta.. Qaddarka Eebaha sareeya ee Hufan lama dhaafi karo. Ta kale, dagaalku waa wax si mawduuci ah (objective) uga dhasha geeddisocodka xidhiidhka wada-noolaanshaha ummadda oo ku fogaan maayo raadinta sababaha keenay mar hadduu dhacayba. Sidaas darteed, waxaynu leenahay oo marka koowaad ku baaqaynaa in inta nool laga talliyo oo la joojiyo dagaalka. Wuxuu yidhi abwaankii gabyay.
‘Duuggeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye
Nimanyahow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha’
Odaygii Faarax Nuur la odhan jiray oo isna reero la isku salliday kala dhexgalay ayaa waxaa laga hayaa.
Isku madhannay miidhii Cabdiyo midhihii Daa’uude
Iyagana magoolkii ka dhimay magaca weynaaye
Annagana mankii naga idlaa miigganaan jiraye
Wax yaroo la maarayn karaa madhiyey Iiddoore
Nin mataanta low jaban tah’oo meel ka kici waayey
Magligii afaysnaa markuu kor u mildhaabaayo
Naftu way macaan tahay intaan lays mahoobbiyine
Waad magan gelaysaan haddaad Xaraf ka meertaane
Allow yaa rag waxa loo maldahay maanta garansiiye
Imminkaan wax baydiin maqnayn labadii meeloode
Koluun bay masiibadu dhacdaa maanta kala hoyda’
Ta kale, marka uu umalka colaadeed kar-jabo, caqliguna soo miiraabo ee codka walaalnimo loo dheg-nugul yahay ayay mudanaan doontaa in wixii xal ah ee lagaga gudbi karo dhibaatada kala irdheeyay dadkaas laga hadlo.
Dawladda dhexe ee Ethiopiana waxaan leenahay shacabka isku go’aya masuuliyad ayaa kaa saran amaankoodda mar haddaad u sheeganayso maamul?.
Ugu danbeyn qurba-joogga iyo inta dibadda ku dhaqan ama mareegaha bulshada ee Intanetka adeegsata waxaan ka codsanayaa inay joojiyaan afxumada oo ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee naca iyo colaadda dabka ku shida dadka ku dhaqan dhulalka Soomaalida meel la joogaba iyo inay umaddooda ka daayaan dhaqaalaha ay caydha ku qaadanayaan ee haddana caydha kale iyo qaxootiga ku abuurayaan.
FG: Maqaalkan xooggiisa suugaameed waxaan ka xigtay Qormo uu Rashiid X. Cabdillaahi ka diyaariyay colaadda iyo Nabadda.
Mustafa Sheekh Cumar Geeddi