NERAD WAA AYO? MAXEY SE U QAABILSAN TAHAY QARANKA?.

Nerad

Waax kasta iyo Hay,add kasta oo ka jira dalka Somaliland isla markaana Dawli ah ha madax banaanaato ama ha ku hoos jirto Dawlada dhexe e  Waxay u xil-saaran tahay shaqo gaar ah .

Sida ay Wasaaradaha Maaliyada ,Caafimaadka ,Beeraha iyo Ganacsiguba u qabtaan shaqooyin gaar ah oo muhiimadooda leh ayey Hay,adda NERAD na u leedahay shaqo ay u madax banaan tahay qiime weyna ugu fadhida amuuraha Deegaanka iyo Aafooyinka la soo gudboonaada.

Sanadkii 2005 markii la doortey Baarlamaanka Somaliland ( Golaha Wakiiladda ) waxay hir galiyeen oo ay Abuureen mudo sanad kadib ah oo kubeegnayd hiiladdii 2006 dii Hay,add Muhiim u ah Deegaanka Somaliland oo magaceeda la yidhaa Hay,adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo U diyaar garawga Aafooyinka oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano NERAD ( National Environmental Research & Disaster Management  Preparedness Authority )

Gollaha Wakiiladu isagoo tix galinaya soo jeedinta Madaxweynihii markaa Wadanka Xukumayey iyo  warbixinta Gudidda Beeraha ,Deegaanka iyo Xoolaha  ay horkeeneen Gollaha Wakiilada,ujeedaduna ay ahayd Abuurid Hay,adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo U diyaar garawga Aafooyinka isla markaana u Madax banaan hawlaheeda shaqo. Wuxuu soo saarey Xeer  uu ku abuurayo Hay,addaas sidoo kalena qeexaya waajibaadka iyo Nidaamka ay u hawl galayso .

Isla Wakhtigaas Wakiiladu waxay Xeerka NERAD Ku soo lifaaqeeen in la laaley Xeer kasta oo ka hor imanaya Shaqada iyo Hawsha ama, burinaya hawlaha ay Hay,addani u Xil-saaran tahay.

Waxa sidaa ku dhashey Hay,add qiimo weyn ugu fadhida badbaadinta Deegaanka  iyo ka soo war bixinta khataraha ku soo wajahan.

Mudadaas waxa la filayey isbadel ku yimaada habka loo helo warbixinta iyo xaalada uu deegaanku ku sugan yahay maadaama oo la abuuray Hay,add khaas u ah hawlaha khuseeya Deegaanka iyo Aafooyinka ka dhalankara Mustaqbalka Deegaanka Somaliland,ha noqdaan xaaladaha Abaaraha ,Fatahaadaha ,Macaluusha iyo Wixii la mid ka ah bee.

Waxa sidoo kale rajo weyn laga qabay in ay hiil u noqon doonto oo ay Garab istaagto Wasaaradda Deegaanka iyo Hor,umarinta Reer miyigga oo wakhtigaas taag iyo tamar ba yareyd (Dareyd ).

Hay,adda NERAD Hada waxey jirtaa mudo 10 Sanno ah waana wakhtigii uu deegaanka Somaliland soo marey marxaladihii ugu adkaa ee uu abid wajaho.

Nerad Waa Maxey Xilkeedu ,Awoodeedu Se Halkey Gaadhsiisan Tahay ?

Hay,adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo U diyaar garawga Aafooyinka ee NERAD waxay leedahay awoodo iyo shaqooyin u gaar ah isla markaana aanu xeer ama sharci u diidayaa jirin.

Wajibaadka NERAD waxa ka mid ah:-

  1. Diyaarinta siyaasadda qaranka ee ka hortaga masiibooyinka iyo diyaargarowa aafooyinka ,Masiibooyinka dabiiciga ah waxaa ka mid noqonaya Abaaraha Ku habsaday Wadankeena maanta ee galaaftey dad iyo xooloba ,waxa kale oo ka mid noqonaya masiibooyinka ka dhasha Daadadka iyo Fatahaadaha ,sidoo kale waxaa ka mid ah aafooyinka ama waxyaabaha kale ee deegaanka ka dhaca sida Dhul gariiradda iyo Folkaanayaasha oo aan wadankeena ka jirin marka laga reebo Gobolka Awdal magaaladiisa Borama buurta Saw la yidhaahdo oo gariirta sanadkii ama labadii sano mar .

Isla qodobkan waxay awood u leedahay ama waajibaadkeeda ah in ay sameyso oo ay dajiso Istaraatiijiyadii ( hab iyo hanaan ) lagu hirgalinayo siyaasadaas.

  1. Waxa ay awood u leedahay waajibaadkeedana ah in ay ka sameyso daraasad meelaha ay masiibooyinku ka dhacaan si loo dajiyo Istaraatiijiyad iyo nidaam lagaga gaashaanto hadii ay Masiibadu Mustaqbalka laga yaabo in ay soo noqoto. Tusaale ahaan waxay Daraasada ka diyaarin kartaa Gobolada Abaaruhu ka dhaceen ee Somaliland ha ugu sii daraadaan goboladda  Awdal iyo Salal e .
  2. Waxay awood u leedahay maamulidda Sanduuqa Dhaqaalaha ee ka hortaga iyo u diyaargarowga Aafooyinka sidoo kalena waxay abuuri kartaa Keyd cunto oo mustaqbalka lagaga gaashaanto Aafooyinka ( sida Abaaraha ,fatahaadaha ,daadadka waxyeeleeya iyo dhaawaca soo gaadha deegaanka iyo beeraha iyo dhul gariirada Ilaahay inaguma keenee ).
  3. Hay,addu iyadoo kaashanaysa laamaha ay khuseyso sida Wasaaradda Deegaanka waxay awood u leedahay in ay sameyso daraasad muujinaysa sababaha iyo waxyaabaha keena aafooyinka iyo masiibooyinka deegaanka ( Abaaraha ama Dhul gariiradda ) si ay u bixiso Digniin mustaqbalka oo muujinaysa in laga sii diyaar garoobo aafada ka dhalan karta masiibadaas hadii ay dhacdo.
  4. Waxa waajibaadkeeda ka mid ah in ay cadeyso kuna dhawaaqdo goobaha ama gobolada ay Aafadu ka dhacdey si loo ogaado Baaxada ay Aafadu le,eg tahay .
  5. Waxey awood u leedahay in ay diwaan galiso nooc kasta oo Kaalmo Deeq ah oo laga helo qaadhaan bixiyeyaasha Caalamiga ah ,Hay,addaha Samafalka ee Gudaha iyo Dibadaba.
  6. Hay,adani waxay qeexaysaa Masuuliyadda iyo waxyaabaha ay qabtaan hay,addaha ku hawlan Barnaamijyada wax ka qabadka Aafooyinka ,Waxaanay sameynaysaa Xafiis kumeel gaadh ah oo ka dhaxeeya NERAD iyo Hay,adda ku hawlan Gargaarka Degdega ah.

Hadaba Waxaa is waydiin leh hadii NERAD Waajibaadkeedu yahay qodobadaas iyo kuwa la mid ka ah shaqadeeduna ay sidaa muhiimka u tahay halkee ayey  ka galeysaa Gudidadda Gurmadka Abaaraha ee la magacaabey Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland na uu  Gudoomiye u yahay  .

Waxa jira Qodob ka mid ah Xeerka Lagu aas aasey Hay,adda Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo U diyaar garawga Aafooyinka ee NERAD oo odhanaya “Guddiga Qaranka ee Aafooyinku Wuxuu ka koobnaanayaa Madaxweynuhu cida uu u igmado iyo Todoba ka mid ah Wasaaradaha Qaranka oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Deegaanka ,Wasaaradda Beeraha ,Wasaaradda Caafimaadka ,Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ,Wasaaradda Kheyraadka Biyaha ,Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Laba Xubnood oo ka kala tirsan Gollaha Baarlamaanka { Wakiilada iyo Guurtidda } ,Hay,adda NERAD na waxey Noqoneysaa Xoghaynta Guddidaa” .

Hadaba NERAD Ma ahayd Xoghaynta Guddida Gurmadka Abaaraha? Jawaabtu waa Maya.

Waxa sidoo kale jira Guddi kale oo lagu magacaabo Guddida Maareynta iyo Diyaargarowga Aafooyinka { GMDA } oo ku cad Xeerka NERAD lagu Abuuray sanadkii 2006 ee Xeer NO:35/2006  ,Guddigani wuxuu ka kooban yahay

  1. Gudoomiyaha Hay,adda NERAD ( Gudoomiye )
  2. Agaasimeyaasha Guud ee Todobadda Wasaaradood {ee ay ka mid yihiin Wasaaradda Deegaanka ,Wasaaradda Beeraha ,Wasaaradda Caafimaadka ,Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ,Wasaaradda Kheyraadka Biyaha ,Wasaaradda Xanaanada Xoolaha}
  3. Madaxda Hay,addaha Jimciyadda Quruumaha Ka dhaxeysa
  4. Hay,addaha Caalamiga ah.
  5. Iyo Hay,addaha aan dawliga ahayn ee Wadaniga ah (LNGOs ).

Waxa xusid mudan in aanay guddidani si haboon u shaqeyn sababtoo ah waxa jira galdaloolooyin muujinaya dayacnaanta iyo qayrul masuulnimada shaqada ay u xil-saaran yihiin.

Hadii wadankeena shuruucda iyo Nidaamka aynu dhigano si fiican oo daacadnimo iyo wadaniyad ka muuqato loo dabaqayo loona hir galinayo,waxyaabo badan oo hada aynu dhaafi kari laanahay waynu ka gudbi lahayn .

Dhibaatada ina gaadhey iyo Abaaraha soo noqnoqdaa waa kuwo ka dhashey qorshe la,aan,Sababtoo ah Ilaahay Wuxuu Quraanka Kariimka ah ku sheegay “ In aanu Qoomna ka badalin sida ay yihiin ilaa oo ay iyagu isbadel la yimaadaan” oo ay sameeyaan sidii hore ee ay ku sugnaayeen si ka duwan .

Waxa halkaa inooga cad in aanu Ilaahay Wanaag inaga Kaxaynayn ilaa aynu inagu iska kaxayno mooyee Sidaas oo kalena hadii aynu waddo qaloocan hayno ama aynu bilaa qorshe hore u ahayn waxa fiican in hada qorshe aynu ka yeelano Aafooyinka iyo Masiibooyinka dhici kara Mustaqbalka oo aynu ka faaiidaysano Nimcada iyo Kheyraadka faraha badan ee  uu Eebbee (SW ) inoogu Deeqay.

Waxa muhiim ah in Daraasado Cilmiyeysan aynu qaadno oo aynu ku ogaanayno Xaalada guud ee Deegaanka Somaliland isla markaana ku abla ablayn karo (Analysis) Waxyaabaha ay macquulka tahay in ay Mustaqbalka ina soo wajahaan ,si aynu Istaraatiijiyad iyo siyaasad aynu kaga gudubno u sii abuurno ( diyaarino ) .

Waxa muhiim ah oo lagama ma maarmaan ah  in dib loo eego halka ay ku dambeysay Hay,addii Cilmi-baadhista Badbaadinta Deegaanka iyo U diyaargarowga Aafooyinka ee NERAD,waxa ay hada ku hawlan tahay ,hore waxay u soo qabatey ,Digniin hore oo ku wajahan In wadanka Abaaro ama Masiibooyin ka dhacayaan ama khatar kale oo inagu soo wajahan miyey hore bixisay ,wax qaraar ah oo mudadaas 10 ka sano ah ee ay jirtey oo ay soo saartey ma jiraa ?,Muxuu ku saabsanaa haduu jiro? Intaasiba waa mid aynu xaq ugu leenahay cid kasta oo ka masuul ah Hay,addaas.

Sidoo kale waxa iyana is waydiin leh Gudida Gurmadka Abaaraha ma jiraa Nidaam ama qorshe dajisnaa oo ay raaceen si ay u wajahaan baaxada Masiibada abaartu le,eg tahay ,tiro koob cadeynaya Dadka iyo Duunyada ku waxyeeloobay abaaraha oo ay soo saartey NERAD,Hadii aanu jirin maxaa u sabab ahaa?

NERAD Miyey ku dhawaaqdey talaabooyinka ay haboon tahay in la qaado si dadka iyo duunyadda dhibaatadu ku habsatey gargaar loo gaadhsiiyo ?

Marka intaa laga yimaado door intee le,eg ayey NERAD Ku lahayd gurmadka iyo xaalada gargaarka dadkii iyo duunyadii ay ku habsatey Abaartu .

Maxaa qorshe ah ee hada u yaala si aanay tan oo kale u dhicin?

Hore waxeynu u soo xusnay in NERAD waajibkeeda ay ka mid tahay Diyaarinta siyaasadda qaranka ee ka hortaga masiibooyinka iyo diyaargarowa aafooyinka  ,iyadoo laga duulayo qodobkaas ma jireen wax Mabaadii ah (Principles ) oo la raacey  lagana soo xigtey Hay,adda NERAD si si dhib yar loogu wajaho Masiibada Abaarta .

Waxa kale oo aynu kor ku soo xusney in  NERAD Waajibaadkeeda  ay ka mid tahay maamulidda Sanduuqa Dhaqaalaha ee ka hortaga iyo u diyaargarowga Aafooyinka sidoo kalena abuurida Keyd cunto oo mustaqbalka la isticmaalo markey Aafooyinku dhacaan.

Waxa is weydiin mudan maxaa loo sameyn waayey Sanduuqa dhaqaalaha ee kahortaga iyo udiyaargarowga Aafooyinka ama Masiibooyinka Ilaahay  mar dambe inaguma Keenee.

Nooc kasta oo ka mid Deeqda ay bixiyaan Qaadhaan bixiyeyaasha ,Hay,addaha Samafalka ee Gudaha iyo Dibadaba waxa Diwaan galinaysa Hay,adda NERAD ,Balse hada qaadhaankii Gudida Gurmadka Abaaraha loogu Deeqay yaa Diwaangalinayey yaase Xogteeda haya Ma NERAD Mise cid kale?

Yaa waajibaadkaas lahaa ?

Hadii Jawaabtu Noqoto NERAD Door kuma lahayn digniina kamayn bixin ,Wax Istaraatiijiyad ah ama nidaam ah oo la raacana may soo bandhigin si loo wajaho baaxada ay Abaartu ku keentey Deegaanka ,Dadka iyo Xoolahaba .Miyaynaan waajib iyo xaq ugu lahayn in la la xisaabtamo oo la weydiiyo waxa ay shaqadeedu tahay ,waxa ay ku hawlan tahay ,sanadkii inta Warbixinood ee ay soo saarto ,Mudadaa 10 ka Sano ee ay jirtey wixii u qabsoomey .

Akhriste adigaan kuu daayey Go,aanka.

W/Q: Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan

Bartey, Cilmiga Deegaanka { Bsc. Environmental Science},University of Hargeysa }

Now Undergraduate of Urban Management at CSI, Hargiesa, Somaliland

Kala soo xidhiidh : Email .Yaasiin9111@gmail.com  Tel: +252 63 4141263  Telesom

 

Tixraac :

  1. somalilandlaw.com/National Environment Research and Disaster preparedness

                (NERAD)Agency Law – Law No: 35 of 2006.

  1. NERAD Website ( http://neradsomaliland.com.)