Natiijooyinka Doorashada Degmooyinka Laascaanood iyo Sallaxley oo lagu dhawaaqay iyo Saamiga Tartamayaashu ka heleen

Lascanod/Sallaxley (SLpost)- Guddoomiyeyaasha heer degmo ee guddida doorashooyinka ee Laascanood iyo Sallaxley, ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixintii laga dhiibtay doorashada goelyaasha deegaanka.

Degmada Laascaanood

Natiijada codbixinta ee ay ku dhawaaqeen guddida doorashooyinka ee Degmada Laascaanood, waxa kaalinta koowaad u galay Xisbiga Kulmiye, halka uu kaalinta labaad ka galay Urur siyaasadeedka Xaqsoor.

Degmada Laascaanood oo loo tartamay 21 Kursi waxa codkooda ka dhiibtay 24,0231 Codbixiye

  • Kulmiye waxa uu helay codad gaadhaya 7,490 iyo 7 Kursi
  • Xaqsoor ayaa isna helay codad gaadhay 5,347 iyo 5 Kursi
  • Wadani ayaa isna helay codad gaadhaya 3,801 iyo 3 kursi
  • UCID ayaa isna helay codad gaadhaya 3,495 iyo 3 Kursi
  • UMADDA ayaa isna helay Codad gaadhaya 2,799 iyo 2 Kursi
  • Dalsan ayaa isna helay codad gaadhaya 1,299 iyo 1 Kursi

Degmada Sallaxley

Guddida doorashadooyinka degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada degmadaas iyo sida ay ururrada iyo xisbiyadu u kala heleen.

Degmada Sallaxley oo loo tartamay 13 kursi, waxa codkooda ka dhiibtay 15,375 codbixiye, waxaanay Xisbiyada iyo ururradu u kala heleen sidan:

  • Xisbiga UCID  waxa uu sidaas ku helay 5 Kursi
  • Xisbiga Kulmiye waxaanu helay 3 Kursi.
  • Urur-siyaasadeedka Xaqsoor, waxa uu helay 2 Kursi
  • Urur-siyaasadeedka Waddani waxa uu helay 2 Kursi
  • Urur-siyaasadeedka Rays, waxa uu helay 1 Kursi

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net