Natiijada Shir lagu taageeray Qaddiyadda Somaliland oo lagu soo gebo-gabeeyey Dalka Koonfur Afrika

 

Johannesburg (SLpost)- Shir Lagaga hadlay qaddiyadda aqoonsiga iyo kor u qaadista xidhiidhada dibloomasiyadeed ee Somaliland oo lagu qabtay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, ayaa la soo gebo-gabeeyey, waxaana la iskula qaatay qodobbo lagu taageerayo Somaliland.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururrada bulshada ee dalka Koonfur Afrika, ayaa soo qaban-qababiyey shirka oo loogu magac-daray ‘Somaliland Solidarity Conference in South Africa’ ama shirka Midnimada Somaliland, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii laysugu xidhi lahaa siyaasadaha Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Somaliland iyo Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka ugu horumarsan qaaradda Afrika.

Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Sacad Cali Shire iyo Wakiilka Dowladda Somaliland u jooga Koonfur Afrika Axmed Jaamac oo ka qaybgalay shirka, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada ka soo baxday shirka oo ay sheegeen inay ka mid yihiin sidii Somaliland looga garab-istaagi lahaa dhinacyada aqoonsi-raadinta, horumarinta dhaqaalaha iyo sidii baasaaboorka JSL loogu tagi lahaa Koonfur Afrika.

Wakiilka Somaliland ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sidoo kale sheegay inay xafiis ahaan u qorshaysan tahay sidii ay shirar noocan oo kale ugu qaban lahaayeen waddamada koonfurta qaaradda Afrika ku yaalla ee ay ka mid yihiin Zambia, Mozambique iyo dalal kale si ay qadiyadda Somaliland u gaadhsiiyaan dalalkaas iyo axsaabtooda siyaasadda.