Natiijada kulan ay Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka kaga tashadeen Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya

HARGEYSA (SLpost)- Xukuumadda, Xisbigeeda Kulmiye iyo Mucaaradka ah ee UCID, ayaa isku raacay inay Somaliland ka qaybgasho Shirka wadahadallada Soomaaliya lala geliyo oo dhammaadka toddobaadkan ka furmaya magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Balse, Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay, isla markaana ku teliyey inaan la tegin shirkaas, sidoo kalena hakad la geliyo sii waditaanka wadahadallada Soomaaliya lala gelayo inta murugga hawlaha doorashada aan wakhtiyeysnayn lagu jiro, wakhtigan Xukuumadduna gabaabsiga yahay.

Natiijada kulan ay Xukuumadda iyo Xisbiyada Qaranka kaga tashadeen Wada-hadallada Somaliland iyo SomaliyaHase-yeeshee, Xukuumadda, ayaa ku doodday in awoodda sii wadista iyo tegista wadahadallada Somaliland kula jirto dawladda Federaalka Soomaaliya ay Xukuumad ahaan leedahay, isla markaana ay Shacabka iyo Golayaasha Qarankuba u igmadeen oggolaanshana u siiyeen gelitaanka iyo ka midho-dhalinta wahadallada muddada saddexda sano ah u soo socday Somaliland iyo Soomaaliya, immikanay Guddiga loo xil-saaray ka qaybgalayso Shirka Istanbuul ka furmaya, inkasta oo ay qirtay in mid ka mid ah Xisbiyadu aragtidaas mid ka duwan qabo, haddana aragtida Waddani ma noqon karto mid baajin karta tegitaanka wadahadalka maaddaama oo ay labada Xisbi ee kale iyo Xukuumaddu isku raacsan yihiin.

HALKAN KA DAAWO