Natiijada Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo Sare oo la shaaciyay

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sarre Oo Shaacisay Imtixaankii Shihaadiga ahaa ee Dugsiyadda Dhaxe iyo Kuwa Sarre Ee Somaliland

Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadda imtixaanka Shahaadiga ahaa ee Fasallada Siddeedaad ee Dugsiyadda Dhaxe, iyo Fasaladda Afraad ee Dugsiyadda Sarre ka dib muddo badan oo wasaaraddu ku mashquul-sanayd sixitaankiisa iyo hubinta wixii caqabado ah ee ka hor iman doona.

Shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Imtixaanaadka Qaranka oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda, Guddoomiyaha imtixaanaadka , iyada oo ay xarunta horteedana tubnaayeen boqolaal Qof oo ka mid ah ardeyda dhigta dugsiyadda kuwaasi oo iyaga laftooduna naawilayay natiijada imtixaanaadka ee wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo natiijada yeedhisay ayaa ku dhawaaqday tobankii Arday ee ugu horreeyay  Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sareba iyada oo bogaadisay dedaalka Dheeraadka ah ee ay  Muujiyeen.

Tobanka arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Dhexe ayaa kala ah:

No.  Dugsiga                       Magaca Ardayda                              Derajada

  1.  Sh. M. Warsame – Sahra Awciise Jaamac Qaalib  (558 ), Maroodi-jeex
  2.  Geeska  Afrika  – C/raxmaan Axmed Yuusuf adan   (552) – Togdheer
  3.  Odey(Sheekh) –  Hodon maxamed C/laahi Ciise  (543)  – Gobolka Saaxil
  4.  Sh. Cali Cismaan – Barkhad Mustafe Siciid Xirsi      (547) – Maroodi-jeex
  5.  Sh. M.Warsame – Mawliid Muxumed Hanfi Liibaan  (547) – Maroodi-jeex
  6.  Surad  – Ismaaciil Axmed Warsmae Maxamed  –   (547) – Gob. Sanaag
  7.  Abyan  –  C/naasir C/laahi Faarax ibraahim    (547) – Gobolka Sool
  8.  Nuraadiin Primary  – Maryan Maxamuud Maxamed Cigaal (546)- M/Jeex (Private)
  9.  Alkheyr  – Ubax C/raxmaan Axmed Cabdi      (546) – Maroodi-jeex (Private
  10.  H.A.A Good  – Khaalid Xirsi Maxamed Caddare         (546) – Gobolka Awdal

 

Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Sare ee Dalka

No.  Dugsiga       Magaca                                                         Darajadda

  1. Ileys  –              Nasra Jaamac c/laahi Bulxan                     735 – Maroodi-jeex (Private)
  2. Nuuradiin       MustafeMaxamed Awcali Cismaan             718 – Maroodi-jeex (Private)
  3. Ileys                   Muniira Maxamed Axmed C/laahi            717 – Maroodi-jeex (Private)
  4. 26 June             Xamse Carab Cali Xasan                              691 – Maroodi-jeex (Public)
  5. 26 June            C/naasir C/ramaan Xaashi Caalin              689 – Maroodi-jeex (Public)
  6. Ilays                  Muna C/laahi Maxamed Axmed               689 – Maroodi-jeex (Private)
  7. Bali- Gubadle Xasan Muuse Cismaan Jaani                       686 – Maroodi-jeex (Public)
  8. Ilays                  Faadumo Maxamed Ismaaciil Cabdi        685 – Maroodi-jeex (Private)
  9. M.A.Cali           Maxamed Xuseen Maxamed Faarax         679 – Maroodi-jeex (Public)
  10. Ilays                 Nimco Saleebaan Cali Kooshi                     670 – Maroodi-jeex (Private)

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net