Natiijada Hordhaca ah ee Codbixinta 8 Degmo Doorasho oo la Shaaciyey iyo Tirada Kuraasta lagu kala Guulaystay

Guddiga Doorashooyinka ee Heer Degmo, ayaa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee Codbixinta Doorashada goleyaasha deegaanka ee Lix degmo-doorasho oo ka tirsan 23 degmo-doorasho ee Somaliland ka kooban tahay.

Degmooyinka si rasmiga ah loo Shaaciyey natiijada hordhaca ah ee codbixinta laga dhiibtay iyo Tirada kuraasta ay Saddexda Xisbi ku kala guulaysteen, ayaa kala ah Laascaanood, Buuhoodle, Taleex, Xuddun, Lughaya, Saylac, Gar-adag iyo Sallaxley.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa hoggaaminaya inta badan Siddeedda degmo doorasho ee codbixintooda lagu dhawaaqay. Degmooyinkan, ayaa wadar ahaan marka laysku daro kuraasidoodu yihiin 80 Kursi, kuwaas ooo 39 ka mid ah uu ku guulaystay xisbiga Kulmiye, halka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani uu ka helay 26 Kursi. Xisbiga UCID-na waxa uu helay 15 Kursi.

 

Natiijada Hordhaca ah ee 8-da Degmo-doorasho ee la shaaciyey

 


Shaxda Hoose kaga Bogo sida ay xisbiyadu ugu kala guulaysteen kuraasida Lixda degmo-doorasho.