Musharax Afrikaan Ah Oo Shaaciyay Inuu U Taagan Yahay Madaxtinimada FIFA

Monrovia, (SLpost)- Gudoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta dalka Afrika ku yaalal ee Liberia Musa Bility ayaa ku dhawaaqay inuu  utaagan yahay doorashada madaxtinimo ee FIFA.Musa-Bilit

Waxaa la filayaa in la qaban doono doorasho cusub oo ay FIFA ku soo dooranayso madaxweyne cusub iyada Sepp Blatter uu hore shaaciyay inuu iska casilay madaxtinimada FIFA.

Musa Bility ayaa ah musharixii labaad ee Afrika ka soo jeeda ee abid isku soo taaga doorashada madaxtinimada FIFA, waxaana ka horeeyay madaxweynaha hadda ee xidhiidhka kubbada cagta Afrika ee Issa Hayatou,  kaasoo sanadkii 2002-dii uu Sepp Blatter ka guulaystay.

FIFA ayaa weli kuy dhex jirta fadeexad soo baxday bilihii ugu dambeeyaybay, taasoo sabab unoqotay in Sepp Blatter oo muddo 17 sano ah madaxweyne kasoo ahaa FIFA uu iska casilo jagada madaxweynenimo ee FIFA, ka dib markii uu afar maalmood hayay waqtigii cusbaa ee loo doortay madaxweynaha FIFA.

Musa Bility oo ah guddoomiyaha FA-ga Liberia ayaa cadeeyay inuu u tartami doono doorashada madaxweynenimo ee lagu soo dooranayo qofkii bedeli lahaa Blatter oo hore u shaaciyay inuu iska casilay jagada madaxweyne ee FIFA, wuxuuna ku baaqay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn oo lagu soo dooranayo madaxweyne cusub.

Haddaba Musa Bility ayaa wata qorshe uu doonayo inuu FIFA kaga saaro xaalada xun ee ay ku jirto, wuxuuna soo bandhigay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:-

  1. Inuu FIFA ka saaro xaalada qalalaase isaga oo sheegay inuu ku maamuli doono hab wax kastaaba muuqdaan.
  2. Waxa uu doonayaa in la dhimo awoodda 24-ka xubnood ee guddida joogtada ah ee FIFA iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Musa Bility ayaa yidhi: “Afrika waa xulafadda ugu balaadhan ee FIFA codka bixisa iyada oo ka kooban 54 xubnood, waxaana waajib ah inaanu hogaaminta FIFA qabano si aanu kubbada cagta iskugu keeno.”

Guddoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta Liberia ee Bility oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Haddii ayna Afrika musharax keensan, taasi wax badan ayay naga sheegaysaa, waxay muujinaysaa dareen liitinimo, waxayna muhiimadu keliya noqonaysaa inaanu codka bixino oo aanu soo doorano hogaamiyeyaasha, waxaan filayaa inaanay taasi sax ahayn”. Somalilandpost.net