Muqdisho: Sarkaal Sare oo ku dhaawacmay miino baabuurkiisa loogu Rakibay

Muqdisho (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Shabeelaha Hoose ee dalkaasi Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed, ayaa dhaawac halis ahi ka soo gaadhay miino loogu rakibay baabuurkii uu watay maanta.

Sarkaalkan ayaa qaraxa lagula eegtay Waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho isaga oo wakhtigaas watay baabuur uu leeyahay.

maddd3Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa dhaawac daran ka soo gaadhay qaarka hoose, iyadoo mid ka mid ah labadiisii lugood ay halkaasi ku burburtay, waxaana isla markiiba loola cararay cusbitaalka si xaaladdiisa caafimaad loogu baxnaaniyo.

Gudoomiyaha Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho Cabdi Maxamuud Warsame oo xaaladda caafimaad ee masuulkan ka hadlay, ayaa warbaahinta u sheegay inuu dhibbanuhu xaalad adag ku sugan yahay, isaga oo taas ku sababeeyey dhiig-bax xad-dhaaf ah oo ka dhashay dhaawaca soo gaadhay.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ee dalkaasi Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed, ayaa masuuliyadda qaraxa lala beegsaday sarkaalkan ku eedeeyey Kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka dalkaasi Soomaaliya, ayaa gacanta ku haysa deegaamo badan oo ka tirsan gobollada Koonfureed ee dalkaasi Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose ee uu sarkaalkani dhinaca ammaanka u qaabilsan yahay.

SOMALILANDPOST.NET